29.9 C
Mogadishu
Thursday, October 9, 2025

Wararkii ugu dambeeyay dabaal-degyo waa wayn oo ka socda Gaza iyo Tel Aviv

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaza (Caasimada Online) – Dabaal-degyo waa wayn ayaa maanta ka billowday gudaha magaalooyinka Gaza iyo Tel Aviv, kuwaas oo yimid kadib markii lagu dhawaaqay wajiga hore ee qorshaha nabadda, oo ay heshiis xabad joojin ah ku gaareen Israel iyo Xamaas.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay “Maalin ku weyn Israa’iil,” kadib markii Arbacadii madaxweyne Trump uu ku dhawaaqay heshiis ku saabsan marxaladda koowaad ee qorshihiisa.

Waxaa la filayaa in uu isugu yeero dowladdiisa si uu u ansixiyo heshiiska. Xamaas ayaa ugu baaqday Maraykanka iyo dhexdhexaadiyayaasha kale inay xaqiijiyaan in Israa’iil ay fuliso heshiiska “iyagoon diidin ama dib u dhigin”.

Farxad ayey dadku xalay dibadda ugu soo baxeen markii uu warku ku faafay waddooyinka mugdiga ah ee Khan Younis ee koonfurta Gaza iyo fagaaraha La-haystayaasha ee Tel Aviv.

Golaha Ammaanka ee Israa’iil ayaa lagu wadaa in ay kulmaan ayadoo uu xigo kulan buuxa oo ay dowladdu yeelato si loo oggolaado sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta, looguna beddelo la haystayaasha. Xamaas ayaa xaqiijisay inay sugayso ansixinta kama dambaysta ah ee liiska maxaabiista.

Waa xabbad joojintii saddexaad oo la gaaro tan iyo markii uu billowday dagaalka dhiigga badani ku daatay labo sano ka hor, waxaana rajo ka muujinaya labada dhinac inay si buuxda u soo afjaraan dagaalka. Ma cadda haddii wax dammaanad qaad caalami ah oo la siiyay si loo xaqiijiyo taas.

Ku-dhawaaqista Trump ayaa timid wax yar ka hor 7-dii fiidnimo ee xilliga bariga Mareykanka — taasoo ku beegnayd ku dhawaad 2-dii aroornimo ee Khamiista ee waqtiga Falastiin.

Dalka Qatar, oo ka mid ah dalalka gacan ka gaystay wada-hadallada, iyo ururka Xamaas ayaa war-saxaafadeedyo ay soo saareen ku tilmaamay in heshiiska uu oggolaanayo in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo Gaza, taas oo iyana ah guul kale oo wayn.

“Kani waa maalin weyn oo u soo hoyatay Dunida Carabta iyo Muslimka, Israel, dhammaan dalalka deriska ah, iyo Mareykanka, waxaana u mahadcelineynaa dhex-dhexaadiyeyaasha ka socday Qatar, Masar, iyo Turkiga, oo nagala shaqeeyay sidii ay u hirgeli lahayd dhacdadatan taariikhiga ah ee aan hore loo arag,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social.

Si kastaba, Dabayaaqadii bishii September, Mr. Trump wuxuu shaaca ka qaaday qorshe ballaaran oo ka kooban 20 qodob oo lagu soo afjarayo dagaalka laguna sii deynayo la-haystayaasha harsan.

- Advertisement -

Read more

Local News