Wararkii ugu dambeeyay dagaal xooggan oo dib uga billowday Kaxandhaale

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal markale dib kaga bilowday deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo la geeyay ciidamo laga kaxeeyay Dhuusomareeb iyo Cadaado.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka oo aad u xoogan uu dib kaga bilowday deegaan ku dhow Kaxandhaale, halkaasi oo ay ku dagaalamayaan beelihii labadii maalin ee ugu dambeysay ku dagaalamay xuduuda Somalia iyo Ethiopia.

Khasaaraha ayaanan la ogaan karin, iyadoo ciidamada laga kaxeeyay Dhuusomareeb iyo Cadaado qaarkood la sheegay inaysan wali gaarin deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud.

Odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ayaa sheegaya inay doonayaan in dagaalka la joojiyo, balse ay jiraan dad sii hurinaya xiisadda colaadeed ee labada beelood u dhaxeysa.

Labadii maalin ee ugu dambeysay ayaa xaalad dagnaasho laga dareemayay halka uu dagaalka uu ka socdo kadib markii dagaalka uu iskiisa u istaagay iyadoona dagaalka u dambeyay uu geystay khasaaro isku jiro dhimasho iyo dhaawac .

La soco Wararka dagaalka la xiriira.
Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com