Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa dowladda iyo Al-Shabaab oo weerar soo qaaday.
Weerarka iyo dagaalka xigay ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Burjeedka oo u dhexeeyo Deynuunaay iyo Baydhaba, waxaana ka dhashay khasaare lixaadleh.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lasoo wariyay in weerarkooda ay ku beegsadeen fariisimaha ciidamada ee ku yaalla halkaasi, balse waxa ay iska caabin adag kala kulmeen Xoogga dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed oo jilibka u dhigtay.
Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa lasoo wariyay inay guulo waa wayn ka gaareen ciidamada huwanta, waxaana la jabiyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.
Ku dhowaad 20 Shabaab ah ayaa lagu dilay dagaalka, waxaana jira khasaare kale oo dhaawacyo ah oo la gaarsiiyay Shabaabkii weerarka soo qaaday, sida ay sheegeen laamaha amniga Koonfur Galbeed.
Maydadka xubnaha Al-Shabaab ee lagu laayay aagga deegaanka Daynuunay ayaa la geeyay gudaha magaalada Baydhaba, iyada oo lagu soo bandhigay fagaaraha afar irdoodka ee magaaladaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah.
“Indhaha looma dhammeystirikaro baqtiga Khawaarijta ee daadsan deegaanka Daynuunaay oo saaka ay isku dayeen in ay arbushaad ka gaystaan” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada horkacayay dagaalka ka dhacay halkaasi.
Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda aaggaasi, si looga hortego dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.
Xaaladda kacsanaan ah ayaa haatan kasoo cusboonaaday gobollada Baay iyo Bakool oo ay weli ku xooggan yihiin maleeshiyaadka Khawaarijta oo deegaanno badan ka haysta gobolladaasi.
Dagaalka maanta dhacay, wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo todobadkaan ay kooxda Al-Shabaab qaaday cunaqabateyn ay mudoo dheer ku haysay degmooyinka gobolladaasi, waxaana markii ugu horreysay 10 sano kadib gaaray gaadiid siday badeeco kala duwan.