25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Moqokori – Yaa gacanta ku haya magaalada?

Bookmark
Bookmarked

Share

Moqokori (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha degmada Moqokori ee gobolkaasi, kadib dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo ku sugan meel u dhaw Moqokori ayaa isku dayaya in ay dib u qabsadaan magaalada oo shalay gashay gacanta kooxda Al-Shabaab.

Isgaarsiinta guud ee magaalada iyo deegaannada hoos yimaada ayaa gebi ahaanba go’an kadib dagaalladii cuslaa ee halkaasi ka dhacay, sida ay illo deegaanka ah inoo xaqiijiyeen.

Dadaallada dib loogu qabsanayo magaalada ayaa ka socda meel aan ka fogeyn magaaladan istraatiijiga ah, halkaasi oo ciidamo gurmad ah ay gaareen.

Shalay ayey aheyd markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar isku dhafan oo qaraxyo ku jiraan ay ku qaadeen degmada iyo deegaanka Gumarre oo dhowaan uun ay la wareegeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawiisleyda.

Dagaal culus kadib, kooxda Al-Shabaab ayey u suurtagashay inay gudaha u galaan magaalada, iyadoo haatan ay socdaan abaabul xooggan oo kooxda looga saarayo Moqokori.

Khasaaraha ka dhashay qarax iyo dagaalkii shalay ka dhacay gudaha iyo duleedka magaalada ayaa weli si rasmi loo xaqiijin, maadaama ay isgaarsiinta go’an tahay.

Moqokori ayaa ah degmo muhiim ah, waxaana in muddo ah ka socday abaabul culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo muddooyinkii dambe laga qorsheeyay howl-gallo lagu naafeeyay kooxda, taas oo keentay bartilmaameed ka dhigato degmada.

- Advertisement -

Read more

Local News