Wararkii ugu dambeeyay dagaallo iyo duqeymo xalay ka dhacay gobolka Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaallo iyo duqeymo xoogan oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo geystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Dagaalladan ayaa soo billowday subaxnimadii Arbacada, waxayna soo gaareen illaa xalay, wuxuuna dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Iji oo ku yaalla xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka marka uu xoogeystay ay ku biireen diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo duqeeyay aagaga ay ka dagaalamayeen xubnaha Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in diyaaraduhu duqeeyeen goobo kale bartimaameed ah oo ku yaalla deegaanka Fiidow oo u dhow aagga lagu dagaalamay.

Dhanka kale ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa dib ua wareegay deegaanka Afcad oo shalay gudaha u galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kasoo talaabay dhanka wabiga, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qaraar oo lagu jabiyay Al-Shabaab, sida uu shaaca ka qaaday guddoomiyaha maamulka degmada Buulo-burde.

Khasaaraha ka dhashay dagaalladan iyo duqeymaha oo weli ka socdo Hiiraan ayaa sii kordhaya, waxaana jira askar dhaawacyo ah oo lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in deegaanada lagu dagaalamayo ay gaarayaan ciidan kale oo gurmad ah taas oo sii adkeyneysa xaaladda.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaaas weli ka socda duleedka degmada Jalalaqsi.

Hiiraan ayaa kamid ah gobollada uu haatan ka socdo howlgalka dib xoreynta, waana gobolkii ugu horreeyay ee uu ka billowday kacdoonka looga soo horjeedo Al-Shabaab.b