Baydhaba (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah u bilaabanaya qabashada araajida musharrixiinta u tartamaysa xilalka guddoomiyaha Golaha Wakiillada maamulka Koonfur Galbeed iyo ku-xigeennadiisa, iyadoo doorashada guddoonka la qorsheeyay inay qabsoonto 4-ta bishan Juun, oo ku beegan maalinta Khamiista, sida uu hore u shaaciyay guddiga doorashooyinka.
Sidoo kale, maanta ayaa la filayaa in guddigu soo bandhigo liiska musharrixiinta buuxisay shuruudaha tartanka, taas oo caddeyn doonta tirada iyo magacyada xubnaha ku loollamaya xilalka guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo ku-xigeennadiisa.
Doorashada guddoonka baarlamaanka ayaa ah tallaabo muhiim u ah geeddi-socodka doorashooyinka Koonfur Galbeed, maadaama xubnaha la doorto ay hoggaamin doonaan fadhiyada lagu dooranayo madaxweynaha maamulkaas.
Jadwalka guddiga ayaa muujinaya in doorashada Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed la qabto 10-ka bishan Juun. Hase yeeshee, lama oga in jadwalkan uu isbeddel ku imaan karo, inkastoo guddiga doorashooyinka uu weli ku adkeysanayo waqtigii uu hore u shaaciyay.
5-ta iyo 6-da Juun ayaa loo qorsheeyay qabashada araajida musharrixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo socon doonta muddo laba maalmood ah.
7-da Juun ayaa la shaacin doonaa liiska kama dambaysta ah ee musharrixiinta u tartamaya hoggaanka maamulka, halka 8-da Juun ay musharrixiintu jeedin doonaan khudbadahooda ololaha doorashada.
Dhinaca kale, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta magaalada Baydhaba tababar uga furay xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Tababarkan oo ku saabsan habraacyada doorashooyinka iyo sharciyada baarlamaanka ayaa waxaa furay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Saadiq Abshir Garaad.

