25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 2, 2026

Safiirkii hore Mareykanka ee Somalia oo Xasan u jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta Somaliland

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjirihii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya, Larry André ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si aan ula kac ahayn u xoojinayo doodaha ay Somaliland ku raadineyso aqoonsi iyo madax-bannaani, isaga oo ku dooday in siyaasadaha dowladda federaalka ay sii kordhinayaan taageerada loo hayo gooni-isu-taagga Somaliland.

Larry André ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa X, isagoo tilmaamay in tallaabooyinka qaarkood ee dowladda federaalka ay wiiqayaan nidaamka federaalka Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay sii xoojin karto aragtida dadka taageersan madax-bannaanida ay ku doodo Somaliland.

Diblomaasigan hore ayaa sidoo kale Geeska Afrika ku tilmaamay gobol ay ka jiraan colaado iyo xiisado siyaasadeed oo soo noq-noqda, kuwaas oo uu sheegay inay muhiim ka dhigayaan in si qoto dheer loo qiimeeyo arrimaha la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland iyo gobolka guud ahaan.

André ayaa xusay in dadaallada Somaliland ee ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah ay weli la kulmayaan caqabado waaweyn, gaar ahaan kuwa la xiriira xuquuqda aadanaha iyo dimuqraadiyadda. Wuxuu tilmaamay inay jiraan walaacyo laga qabo xorriyadda hadalka iyo sida loola dhaqmo bulshada laga tirada badan yahay.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in arrimahaas ay weli yihiin qodobbo muhiim ah oo saameyn kara sida ay beesha caalamku u wajahdo codsiyada Somaliland ee ku aaddan aqoonsiga caalamiga ah.

Larry André ayaa horey uga digay in dowladda Mareykanka ay si taxaddar leh uga fiirsato tallaabo kasta oo la xiriirta aqoonsiga Somaliland, isaga oo sheegay in go’aan hal dhinac ah uu khatar gelin karo xasilloonida Geeska Afrika.

Wuxuu sidoo kale sheegay in aqoonsi degdeg ah oo aan wadatashi ballaaran lagu saleyn uu saameyn ku yeelan karo midnimada Soomaaliya, isla markaana abuuri karo xiisado cusub oo gobolka ka dhasha.

Danjiraha hore ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Washington inay la tashato dalalka gobolka sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Uganda, iyo sidoo kale Midowga Afrika, ka hor inta aan la qaadin go’aan kasta oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland.

Larry André ayaa ah diblomaasi Mareykan ah oo in ka badan 30 sano kasoo shaqeeyay adeegga arrimaha dibadda ee Mareykanka, wuxuuna safiir ka ahaa Soomaaliya intii u dhexeysay 2022 ilaa 2024.

- Advertisement -

Read more

Local News