Bardaale (Caasimada Online) – Faahfaahino cusub ayaa laga helayaa dagaal culus oo maanta barqadii ka dhacay duuleedka magaalada Bardaale ee gobolka Bakool, kaasi oo dhexmaray ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan oo deegaanka ah.
Dagaalka ayaa ka dhashay kadib markii kooxaha hubeysan ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada ammaanka degmada Bardaale ku leeyihiin banaanka magaalada.
Labada dhinac ayaa dagaalkaas isku adeegsaday hub culus, waxaana la xaqiijiyay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.
Maleeshiyaadkan ayaa la sheegay in laga saaray magaalada Bardaale maalmo ka hor, waxaana muuqata in ay mar kale isku dayayaan in ay magaalada dib ugu soo laabtaan, iyadoo abaabulkooda dagaal uu ka socday duuleedka magaalada.
Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Bardaale, Daa’uud Maxamed Cabdiraxmaan ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid ay soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, isagoo meesha ka saaray in dagaalka lala galay ciidan deegaanka ah.
Wuxuu sheegay in kooxda weerarka qaaday ay jidka u galeen ciidamo ku jiray roondo, isla markaana ay jab xooggan la kulmeen intii uu dagaalku socday.
“Ciidanka deegaanka hore way u jireen, balse qaar way kala tageen, qaarna waxay ku biireen ciidamada ammaanka, ma jirto cid deegaanka ah oo nala dagaalantay saakay,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka.
Bardaale ayaa horey ula kulantay dagaallo la mid ah kuwa maanta dhacay, kuwaas oo salka ku hayay khilaaf u dhexeeya maamulka iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Si kastaba, Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli Koonfur Galbeed ay wajahayso xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo adag, taasoo ay sii hurinayaan dagaalka Al-Shabaab iyo muranka doorashada maamulka.