25.6 C
Mogadishu
Wednesday, October 29, 2025

War cusub oo kasoo kordhay dib u dhaca doorashooyinka maamul goboleedyada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dib u dhaca iyo daaha doorashooyinka maamul goboleedyada dalka, xilli weli ay jirto xiisad culus oo ka taagan qaabka loo wajahayo.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in sii socoshada dib u dhaca doorashooyinka dowlad-goboleedyada qaarkood ay tahay mid lid ku ah dimuqraadiyadda iyo dowlad wanaagga, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la qabto doorashooyinkaas.

Bulshada rayidka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in doorashooyinkan oo deg-deg loo qabto ay muhiim u yihiin hannaanka geeddi socodka siyaasadda dalka, si looga gudbo marxaladda adag ee haatan lagu jiro.

“Bulshada rayidka waxa ay u aragtaa sii socoshada dib u dhaca doorashooyinka maamul goboleedyada qaarkood mid lid ku ah dimuqraadiyada iyo dowlad wanaagga. Sidaas darteed, waxa ay ku baaqeysaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashooyinka dowlad goboleedyada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay bulshada rayidka.

Sidoo kale waxaa bayaankan si weyn loogu soo dhaweeyay doorashooyinka tooska ah ee la filayo in 30 November ay ka bilowdaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu dooranayo goleyaasha deegaanka oo muddo ka badan 50 sano kadib ku imaanayo qof iyo cod.

“Bulshada rayidka waxa ay soo dhaweeneysaa doorashooyinka la filaayo in laga hirgeliyo gobolka Banadir, taasoo ay u aragto mid muhiim u ah in dadka ku nool degmooyinka gobolka Banadir ay doortaan gole deegaan oo u fuliya adeegyada ay u baahan yihiin” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Bulshada rayidka waxa ay gacan ka geysan doontaa hirgelinta doorashooyinka golayaasha deegaanka iyagoo qaban doono wacyigelin iyo kor joogteyn ku aaddan doorashooyinka”.

Baaqa kasoo yeeray ururada bulshada rayidka ah ayaa imaanaya, xilli haatan dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in doorasho laga qabtay Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana durbo bilowday dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan maamulladaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News