Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay ka socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada guddoonka baarlamaanka maamulkaasi, taas oo la filayo in isla maanta ay ka dhacdo halkaasi, waxaana kadib u xigi doonto midda madaxweynaha.
Doorashadan oo mid degdeg ah, si loo dhameystiro maamulkan cusub ayaa waxaa lagu qaban doonaa wax walba toddobaadkan gudihiisa, sida uu muujinayo jadwalka doorasho ee uu horay usoo saaray baarlamaanka.
Musharrixiinta tartamaya ayaa maanta khudbado u jeedin doono xildhibaannada, kadibna waxaa dhici doonta codeynta oo lagu soo saari doono guddoomiye iyo ku xigeen rasmi ah.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale goobjoog ka ah howlaha dib u dhiska maamulka cusub ee Waqooyi bari, waxayna weli dadaallo dheeraad ah ka waddaa magaalada Laascaanood ee xarnta Sool.
Marka AY soo dhammaato doorashadan waxaa iyana la guda geli doonaa midda guud ee madaxweynaha oo loolan adag loo geli doono, waxaana magaalada ku sugan musharrixiin badan oo goor sii horreysay ololahooda ka bilaabay deegaannada Sool, Sanaag & Togdheer.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in doorashada hoggaanka maamulkan ay shaqsi gaar ah u wadato Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo galaangal xooggan ku leh hannaanka doorasho ee maamulkaasi, waana hoggaamiyaha hadda talada haya ee Cabduqaadir Firdhiye oo dhowaan ku biiray xisbiga wayn ee uu dhisay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dowladda dhexe ayaa dooneysa in maamulka cusub uu mar kale hoggaamiyo Firdhiye oo kumeel-gaarkii kasoo saaray, halka ay jagada madaxweyne ku-xigeenka la sheegay inay u xulatay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Jibriil oo ka soo jeeda Sanaag, kaas oo ka baxay Puntland, kadibna dhaq-dhaqaaq culus ka bilaabay Waqooyi Bari.
Si kastaba, maamulkan cusub ayaa ah natiijo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay, taas oo marxaladdo kala duwan soo martay, ugu dambeyntiina dhashay maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya