KHASAARAHA ka dhashay dabkii Bakaaraha iyo wararkii ugu dambeeyay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkii xooganaa ee xalay ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay burbur iyo khasaare hantiyeed.

Dabka ayaa ka bilowday qaybta Maacuunta ee Suuqa Bakaaraha, wuxuuna kusii fiday goobo kale oo ganacsi, sida qaybta Dahablaha iyo qaybta Bacadlaha.

Sidoo kale waxaa ku basbeelay goobo badan oo ay ku yaaleen Harqaano iyo Dukaamo lagu iibiyo Dharka iyo Malabka, sida ay sheegeen qaar kamid ah ganacsatada.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay koronto ku jirtay mid kamid ah goobaha ganacsi ee suuqa, taas oo mar qura holacday, isla-markaana gubtay suuqa.

Mas’uuliyiinya Maamulka gobolka Banaadir oo goobta tegay ayaa ku guuleystay daminta dabkan, kadib markii ay adeegsadeen gaadiidka dab damiska, waxaana sidoo kale ka qayb qaatay dadaallada lagu damiyay dabkan qaar kamid ah shacabka Muqdisho oo suuqa tegay.

Guddoomiyaha maamulka degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir oo gudaha suuqa kula hadlay warbaahinta ayaa faahfaahiyay dabkaas iyo gurmadka ay sameeyeen.

“Suuqa Bakaare caawa dab ayaa ka kacay waa lagu guuleystay in la damiyo, welina howsha waa ay noo socotaa,” ayuu yii guddoomiyaha degmada Howlwadaag.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu jiro khasaare lixaadleh oo soo gaaray ganacsatada, balse waxa uu tilmaamay in dabkan uusan geysan wax khasaare nafeed ah.

“Waxaan ka hadli karnaa in aan weli nafi ku go’in, laakiin hanti waa ku baaba’day” ayuu markale yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale waxaa goobta ciidamada ammaanka oo uu horkacayey taliyaha qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi oo sugayey amniga suuqa, si uusan boob u dhicin.

Gubashada Suuqa Bakaaraha ayaa marar badan soo laa laabatay, dowladduna ma baarto sababta keenta dabka sanad kasta ugu yaraan hal mar ka kaca suuqa Bakaaraha.