26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Wararkii ugu dambeeyay ee maamul gobaleedka koonfur-galbeed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in maalmahan magaalada ay soo gaarayeen ergooyinka soo dooranaya maamulka koonfur-galbeed Somalia.

Wariye ku sugan Baydhabo oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa noo sheegay in magaalada  ay soo gaareen odayaal iyo siyaasiyiin, kuwaasoo ka qaybgalaya maamulka u sameenta lix gobal oo ku yaalla koonfur-galbeed dalka Soomaaliya

Wariyaha ayaa sheegay in qaar ka mid ah ergooyinka gobollada maamulka loo sameynayo ay soo gaareen magaalada Baydhabo.

Waxaa kaloo uu sheegay in guddi dhawaan lagu magacaabay Baydhabo ay billaabeen inay sameeyeen guddi odayaal dhaqameed ah oo loo xil saaray qabanqaabada qabsoomidda shirka.

Si kastaba, waxaa maamulkan hor boodaya siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaan dhowaan shir Baydhabo ka dhacay oo uu ka qeyb-galay guddoomiyaha golaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari, waxaa lagu go’aamiyay in maamul goboleed loo sameeyo gobollada Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Gedo.

Ma cadda sida uu maamulkan u hirgali doono, iyadoo qaar ka mid ah gobalada ku jiray ay lee yihiin hadda maamul kumeel gaar ah oo ah Jubba.

Marka laga reebo guddoomiyaha golaha baarlamaanka iyo xildhibaannada ka soo jeeda gobaladan madaxda kale ee dowladda sida madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha kama hadlin maamulka loo sameenaayo lixda gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

- Advertisement -

Read more

Local News