FADEEXAD: Dekedda Muqdisho oo la dhex dhigtay Is-baaro, maxaa haray?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Muqdisho, waxaa galabta ka dhacay dibad-baxyo ay dhigayaan xoog-satada dekedda Muqdisho, kuwaasoo sheegay in lacago baad ah oo Isbaaro ah looga qaado afaafka hore ee dekedda.

Qaar ka mid ah raggaas oo la hadlay saxaafadda intii uu socday dibad-baxa ayaa dowladda ku eedeeyay in aysan waxbo ka qaban arrintan, maadama kooxda qaadaneysa ay ka tirsan yihiin maamulka gobalka Banaadir sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa ay sheegeen in lacag 10-dollar ah looga qaado afaafka hore ee dekedda taasoo lagu sheegay miisaan la saarayo baabuurka xamuulka ah ee ka soo baxaya dekedda Muqdisho.

“War wadanka dowlad rasmi ah ayaa ka jirta, ma naqaano isbaaradan taala afaafka hore ee marsada Muqdisho, waxa ay madaxda dalka u arki waayeen, annaga lacagta canshuurta baabuurka iyo kuwa alaabta waan bixinay, maxay tahay lacagtan kale intee ka socotaa koox gooni ah ayaa qaadataa, qansnada dowladda kuma dhacdo” ayuu yiri Oday in mudda ah ka shaqeeyay dekedda Muqdisho oo goobta ka hadlay.

Waxa kaloo xoogsatada shirka jaraa’id qabtay ay lee yihiin haddii aan tallaabo degdeg ah laga qaadin kooxda isbaarada dhigtay afaafka hore ee dekedda Muqdisho, waxaan joojin doonaa shaqada aan u heyno bulshadda.

Ma jirto ilaa hadda wax mas’uul ah oo ka hadlay arrintan, mana ahan markii ugu horeysay oo xoogsatada ka xamaasha marsada Muqdisho ay dhigaan dibad-baxyo ay uga cabanayaan culuys la saaray.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa looga fadhiyaa in ay ka jawaabto cabashooyinka ka soo yeeray xoogsatada dekedda Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho