Wararkii ugu dambeeyay ee mooshinka R/W Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya guuxa siyaasadeed ee ka dhashay mooshinka laga wado xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, kaas oo si weyn looga hadal hayo baraha bulshada.

Mooshikan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay diyaarinayaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo raba in lagu rido xukuumadda aan sanad jirsan ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza.

Sida ay ogaatay Caasimada Online abaabulka mooshinkan ayaa haatan si xawli ah u socda, ayada oo Xildhibaanada hormuudka u ah qorshahaan ay isku dayayaan inay taageero u helaan mooshinkooda.

Sidoo kale xildhibaanadaan ayaa xiriir la sameeyay qaar kamid ah saaxiibadooda Baarlamaanka, kuwaasi oo ay ka dalbadeen inay ka qeyb qaatan mooshinka lagu ridayo xukuumadda Xamza, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dhanka kale xukuumadda Soomaaliya ayaa dhankeeda ka hadashay arrintan, waxaana si gaar ah jawaab uga bixiyay agaasimaha warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Farxaan Maxamed Jimcaale oo war kooban soo saaray ayaa u jawaabay xildhibaanada wada mooshinka, isaga oo sheegay in dalka uu ku jiro marxalad dagaal, sidaas darteedna aan loo baahneyn in la abuuro xiisad siyaasadeed.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xukuumadda federaalka ay haatan ku howlan tahay dhammeystirka dastuurka iyo denyn cafinta.

“Miyaanay ogeyn in Dowladda iyo Dadkuba dagaal ay ku jiraan — weliba #DanQaran ay u sii dheer tahay Deyn cafinta iyo Dastuurka in la soo afjaro 2023!” ayuu yiri Farxaan Jimcaale.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye oo dhankeeda qoraal soo saartay ayaa difaacday xukuumadda, maadaama ay ka tirsan tahay, waxayna sheegtay in dalka ay hormar weyn gaarsiiyeeen ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha.

“XJFS EE RW Hamza Abdi Barre & GUUD AHAAN DJFS EE MW Hassan Sheikh Mohamud OO JIDKA MAKKAH-ALMUKARAMA DHAAFTEY MOOSHIN HOWGA BAQINA” ayay qoraalkeeda ku tiri wasiir Khadiijo Diiriye.

Si kastaba, Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay dhaliilo xooggan oo la xiriira hab maamulkeeda iyo shaqada loo igmaday, ayada oo dhawaana uu weerar ku qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.