Wararkii ugu dambeeyay ee SHIRKA Muqdisho iyo guddi ka socda mucaaradka oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya si rasmi ah uga furmay shirka Golaha Wada-tashiga Qaran, kaasi oo u dhaxeeyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda dowlad goboleedyada iyo Duqa magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha doorashada, dardar-gelinteeda iyo hufnaanteeda, jadwalka waqti cayiman oo lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Afhayeenka xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimu oo goordhoweyd faah-faahiyay shirkaas, ayaa sheegay in shirka uu yahay mid ballaaran, oo ay qeyb ka noqonayaan Midowga Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka.

“Inta uu shirka socda guddiyo kala duwan ayey la kulmi doonaan, dadka u qorsheysan inay la kulmaan waxaa kamid ah daneyayaasha arrimaha doorashooyinka oo kamid yihiin Wakiiladda Beesha Caalamka, xubno metalaya Midowga Musharaxiinta iyo qeybo kamid ah bulshada rayidka, si ay u dhageystaan talo soo jeedintooda la xiriirta doorashada,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkaan uu xal u noqon doono caqabadaha iyo qaladaadka ka jira doorashada, gaar ahaan midda Golaha Shacabka oo si weyn uga horyimaadeen hanaankeeda Midowga Musharaxiinta.

“Shirka waa mid aad u ballaaran oo aan filayno inuu soo gabagabeeyo arrimaha ku gadaaman doorashada iyo sixitaankeeda. Ra’iisul Wasaaraha iyo dhamaan Golaha Wada-tashiga waxaa ka go’an in shirkaan ka guul gaaran, sidoo kale lagu xaliyo oo diirada lagu saaro meelaha lagu kala duwan yahay.”

Afhayeenka ayaa ugu dambeyntiina sheegay inay rejaynayaa in shirka uu noqdo mid guuleysta oo ay kasoo baxaan qoddobo wax ku ool ah oo gogol xaara hufnaanta doorashada iyo inay sii socoto doorashada.

Si kastaba, xaaladda dalka uu maraayo ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana dadka Soomaaliyeed ay isha ku wada-hayaan qodobada ka soo baxa shirka golaha wada-tashiga.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii