Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socda diyaar garowgiii ugu dambeeyay oo ku aadan qabsoomida shirka u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka oo ay ku jiraan madaxa Jubaland iyo Puntland.
Inta badan xubnaha Golaha ayaa ku sugan caasimada, waxaana kaliya hadda ka maqan madaxweynihii hore ee dowladdii KGM ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku maqan safar dalka dibaddiisa ah, balse la sugayo.
Sidoo kale, waxaa haatan diyaar garow xooggan wada labada dhinac oo ku aaddan wada-hadallada la filayo in berri wixii ka dambeeya ay ka bilowdaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo diiradda lagu saari doono khilaafka dalka.
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo xalay ku hoyday caasimada ayaa kulamo ka bilaabay Xalane, iyaga oo qaabilay xubnaha mucaaradka oo ay iska xog wareysteen xaaladihii u dambeeyay iyo wada-hadalka bilaabanaya.
Dhankeeda Villa Somalia ayaa wadda kulamo gooni gooni ah oo ku aadan ballanta ay la leedahay Golaha Mustaqablka, waxaana warar hoose ay sheegayaa in madaxweynuhu u ololeynayo in shirka lagu qabto Villa Somalia, maadaama ilaa iyo hadda aan si rasmi ah looga heshiin goobta uu ka dhacayo.
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa si weyn uga soo horjeedo qorshahan, kuwaas oo shak wayn qaba, sidoo kalena ciidan la yimid magaalada Muqdisho.
Ajendaha shirkan oo isha aad loogu hayo ayaa noqonaya arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha, sida lagu gaaray kulamadii guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.
Si kastaba, wakiillada beesha caalamka oo dhinacyada cadaadis ku saaray sidii ay u qabsoomi lahaayeen wada-hadalladii loo ballansanaa, ayaa muujinaya sida ay lagama maarmaan u tahay in arrimaha la isku hayo is-afgarad looga gaaro shirka

