Wararkii ugu dambeeyay ee xiisada S/LAND oo ka dartay

Hargeysa (Caasimada Online) – Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa markale sii xoojiyay go’aanka uu xisbigiisu ku doonayo in la furo ururada siyaasadda, ka hor doorashada madaxtooyada Somaliland, taasi oo xiisad xoogan dhalisay.

Afhayeen Buuni ayaa sheegay in saddexda xisbi ee hadda jira uu waqtigoodii sii dhamaanayo, sidaas darteedna loo baahan yahay in xiligaan la furo ururadii siyaasada si loo helo saddex xisbi qaran oo cusub.

“Waxan rabaa in aan shacabka u sheego in dalkan J. Somaliland doorashooyinkiisu ku qabsoomaan waajib sharci, markasta oo ay yimaadaana hay’addaha awooda u leh mid kastaaba uu guto waajibkisa,” ayuu yiri.

“Imika waxa taagan, muddo xileedkii saddexda xisbi qaran oo ahayd 10 sanno, waxaana uu qaanuunku waajibinayaa in ururradii la furo, si saddex xisbi qaran oo shahaado xisbi haystaa ay 10 ka sanno ee soo socda ay usoo baxaan.”

Hadalka Buuni ayaa uga sii daraya xiisada ka taagan furista ururada ay si aad ah isugu hayaan xisbul xaakimka oo xukuumadda ah iyo labada xisbi mucaarid ee Waddani iyo Ucid.

Salaasadii unbey aheyd markii uu Musharraxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka Wadani, Mudane Cabdiraxmaan Cirro uu si weyn uga horyimid qorshaha xukuumada Somaliland ay ku doonayso in ay kusoo hormariso doorashada ururada, taasi oo uu sheegay inaysan suurtagal aheyn.

“Labada doorasho ee axsaabta qaranka iyo golaha guurtidu way ka danbaynayaan ta madaxtooyada. Shacbiga Somaliland waxan u sheegaya in doorashadii madaxtooyadu ku mudaydsantahay 13, November, 2022, cid ku muran sani ma jirto cid ku murmi kartaana ma jirto, waxa galaya oo sharci ah saddexda xisbi qaran ee hada jira,” ayuu yiri Cirro.

Si kastaba, Somaliland ayaa waxaa ka jira jiitan doorasho oo u dhexeeyo xisbiyada mucaaradka iyo xukuumada oo ay si weyn uga dhex tafan-tahay, islamarkaana hadallo kulul isku marinayo warbaahinta.