Xog: Kooxda Rooble oo looga adkaaday dagaalkii HOP#30

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku fashilmay dadaal ay doonayeen inay ku hor istaagaan doorashada kursiga loo xiray Daahir Amiin Jeesow oo ka mid taageerayaasha Farmaajo.

Guddiga FEIT ayaa horey usoo saaray qoraal uu ku hakiyey doorashada saddexda kursi ee shalay ka dhacday magaalada Beledweyne oo kala ah: HOP010, HOP030 iyo HOP066, balse waxay xilli dambe wax yar ka hor aadaankii salaadda subax ee shalay haddana shaaciyeen inay fasaxeen kuraastaasi.

Qorshaha ugu weyn ee FEIT oo ku xiran Xafiiska Rooble ayaa ahayd inay joojiyaan kursiga HOP030 oo maamulka HirShabeelle ay u xireen inuu dib ugu soo laabto Daahir Amiin Jeesow oo hore ugu fadhiyey, kaasoo taageero ka helaya Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Maamulka HirShabelle ayaa laba kursi oo ka mida kuraasta shalay lagu doortay magaalada Beledweyne ka dhigay kuwo xiran oo dad gaar ah loo boobay.

HOP030 ayaa waxaa si dhib la’aan ah ugu soo baxay Daahir Amiin Jeesow oo hore ugu fadhiyey, isagoo taageero ka helaya kooxda Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, waxaana uu la yimid musharax malxiis u ah oo lagu magacaabay Cali Cabdullaahi Xeefow.

HOP010: Kursigan isna waa kursi loo xiray musharax taageero ka heysta Madaxweynaha HirShabeelle oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Gureey, kaasi oo uu kusoo baxay.

HOP066: Waa kursiga kaliya ee laga dhigay mid furan, waxaana ku guuleystay Maalik Ibraahim Cabdalla kadib markii uu tartan adag la galay musharaxiinta kala ah Cumar Cismaan Waasuge iyo Cabdiraxmaan Daahir Guure.

Madaxda HirShabeelle ayaa kooxda Farmaajo usoo saaray in ka badan 10 xildhibaan oo uu ku jiro agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, waxaana weli socda xildhibaannada loo soo saarayo kooxdaasi oo saameyn weyn ku leh madaxda HirShabeelle.

Isha: Goobjooge