Galmudug oo dib u dhigtay doorashada KURAAS uu ku jiro HOP#069 + Sababta

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashayooyinka Galmudug ayaa hal maalin dib u dhigay doorashada saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, doorashadaas oo qorshuhu ahaa in Maalinta Berri ah ay ka dhacdo Magaalada Gaalkacyo.

Kuraastaan oo deegaan-doorashadoodu tahay Magaalada Gaalkacyo dhankeeda Koofureed,  waxa uu qorshuhu ahaa in maanta oo ah 11-ka Maarso 2022 la diiwaangeliyo Musharixiinta si Berri oo Sabti ah 12-ka-Maarso-2022 doorashadu ay u dhacdo.

Qoraàl kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa waxaa lagu yiri” Guddigu wuxuu hal maalin dib u dhigay shaacinta Guddiga Xulista ergada kuraasta HOP#095, HOP#038 HOP#069, waxaana la shaacinayaa Maanta oo Jimcaha oo Taariikhdu tahay 11/03/2022.

Kuraastaan waxaa ku fadhiya:

HOP#038: Axmed Macalin Fiqi oo si cad u sheegay in uusan musharax u ahayn dib ugu tartamidda kursigaan.

HOP#069: Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo markale isusoo taagay qabashada kursigaan.

HOP095: Cabdikariin Khaliif Dhalac oo musharax u ah dib u hanashada kursigaan si uu dib ugu laabto Aqalka Shacabka BFS.