RUUSHKA oo tallaabo culus ugu jawaabay dalal dhowr ah

Moscow (Caasimada Online) –  Ruushka oo cunaqabateyn ka dhalatay duullaanka uu ku qaaday Ukraine ay kusoo rogeen dalal dhowr ah ayaa qaaday tallaabo uu markooda ku beegsanayo waddamada xariyaadda saaray hantida Moscow.

Tallaabadaan ayaa hoos u dhigeysa cadaadiska saaran maadaama waddamada reer Galbeedka ay kula dagaalamayaan dhaqaale, Siyaasad ahaan iyo mid afka ah si uu u joojiyo dagaalka 16-ka cisho uu kawado waddanka deriska ay yihiin ee Ukraine.

Xukuumadda Moscow ayaa 48 waddan ku tilmaamtay kuwo galay falal ka dhan ah Saaxiibtinimada fog ee kala dhaxeysay Ruushka wixii ka dambeeyay markii ay xoogeysatay xiisadda Ukraine oo 24-Maarso-2022 ficil isu rogtay.

Dowladda Ruushka ayaa Dalalka kasoo horjeeda ka mamnuucday Qalabka isgaarsiinta, caafimaadka, gaadiidka, beeraha iyo korontada ee laga dhoofiyo Dalkeeda si markooda ay u dhadhamiyaan culeyska la saaray mid lamid ah.

Xayiraadda ayaa socon doonta ilaa dhammaadka 2022 oo waa lasii kordhin karaa haddii maslaxadeeda ay ka dhex aragto Xukuumadda Ruushka sida ay sheegeen mas’uuliyiin kala duwan oo ku dhaw tallaabadaan.

9kii Maarso 2022, Xukuumadda Moscow waxa ay meel-marisay xeer lagu fasiray tallaabada 1aad ee lagu qaramaynayo hantida Shirkadaha shisheeye ee yaalla Dalka Ruushka, haddii arrintaan ay dhaqangasho waxa ay sii cakiri doontaa xiriirka Ruushka iyo Dalalka is xulufeysanaya.

Mareykanka, Ingiriiska iyo dalalka kale ee ku daba-safan ayaa joojiyay salidda, shidaalka iyo agab kale oo lagu sameeyo Ruushka oo loo iib geyn jiray sabab ka dhalatay carada ay ka qaadeen duullaanka uu ku qaaday Ukraine.