Xog: Farmaajo iyo Fahad oo kulan gaar ah ugu wacay Lafta-gareen + Qorshaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan (Laftagareen) ayaa sii daayey toddobadii kursi ee ugu dambeysay Kuraastii Golaha Shacabka ee lagu dooranayey deegaanada Koonfur Galbeed.

Todobada Kursi ee lasii daayey oo 3 kamid ah laga leeyahay Magaalada Baydhaba ayaa la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo kahor inta aan la gaarin mudadii u dambeysay ee loo qabtay gunaanadka doorashada Kuraasta Golaha Shacabka, taasoo ku eg 15-ka Bishaan.

7-da kursi ee lasoo daayey waxaa ku jira kursigii uu ku fadhiyey Cabdicasiis Laftagareen inta aan loo dooran hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.

Sheekooyinka kale ayaa ku hareereysan, midka ugu xiisaha badan waa damaca Laftagareen. Dad badan oo reer Koonfur Galbeed ah waxay sheegayaan in Cabdicasiis Laftagareen uu rabo inuu kursigiisa soo qaato, islamarkaana uu u tartamo guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaar kale oo isla siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa iyaguna qaba inuu Cabsicasiis kasoo tageyn halkiisa, kursigana uu soo siinayo sodogiis General Mahad Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed kaasoo dadka qaarkiis u yaqaanaan (Taliye Shub).

Arrintaan waxaa xiisad u yeelaya in Laftagareen ay kulan deg deg ugu yeereen madaxweyne Farmaajo iyo la taliyihiisa awoodda badan Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hadda kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadka sida weyn uga war haya xaaladaha siyaasadeed ee Laftagareen waxay sheegayaan in ujeedka loogu wacay ay la xiriirto xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ninkaan oo ah ninka uu Farmaajo ugu kalsoonida badan yahay madaxda maamullada dalka ayaa si weyn loo dareynsan yahay inuu jeclaan lahaa inuu noqdo guddoomiyaha Golaha Shacabka, laakiin Beeshiisa waxay qabtaa inuu Koonfur Galbeed sii joogo uuna xildhibaankana siiyo taliye Mahad.

Kooxda madaxweyne Farmaajo waxay qabaan kalsoon ah inuu Laftagareen isa soo sharaxo si loogu guuleysto mashruucooda koowaad oo ah Villa Somalia.

Laftagareen wuxu fahamsan yahay inuusan Koonfur Galbeed sii heysan karin haddii Farmaajo laga adkaado, sidaas darteed ahmiyadda Koowaad waa xukunka Villa Somalia, kaasoo sal u ah inuu Laftagareen sii heysan karo awooddiisa siyaasiga ah iyo in kale.

Kulankaan gaarka ah ee deg degta ah waxyaabaha looga hadlayo waxaa kamid ah in laga heshiiyo Qofka loo dhiibayo Koonfur Galbeed haddii uu Laftagareen noqonayo guddoomiyaha Golaha Shacabka ama haddii uusan xildhibaanimo iyo guddoomiye Baarlamaan rabin in laga heshiiyo qofka kale ee loo dhisi karo xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayey leeyihiin dadka xogtaan la socda.

Musharixiin badan oo u taagan kursiga guddoonka Golaha Shacabka ayaa hari kara haddii uu Laftagareen u tartamayo kursiga, kuwaas oo ku xushmeenayo inuu dhib la’aan soo siiyey kursi xildhibaanimo, waana sababta Villa Somalia u aaminsan tahay inuu si fudud ku dhismi karo Laftagareen.