Xiisad xoogan oo u dhaxeysa Qoor-Qoor iyo beesha Rooble oo ka taagan Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xiisad xoogan ayaa ka taagan magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug, taasi oo salka ku haysa hab maamulka kuraas kamid ah kuwa Golaha Shacabka ee taalla magaaladaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa qeybo kamid ah magaalada fariisimo ka sameystay ciidamo kasoo jeeda beesha Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kuwaasi oo ka gadoodsan qaabka uu Qoor-Qoor u maamulayo kuraasta harsan ee beeshooda.

Madaxweyne Qoor-Qoor oo hadda ku sugan Gaalkacyo ayaa waxay beesha Sacad si adag uga diiday in uu fara-gelin ku sameeyo kuraastooda, oo uu rabay inay kusoo baxaan xubno uu watay.

Wasiirkii hore amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay xiisada ka taagan Gaalkacyo ayaa sheegay in khilaafka ugu dambeeyay uu ka dhashay qaabka loo soo xulayo ergada.

“Waa nin aqoondarradiisu ay gaarsiisay in Odoyaashii iyo reeraha kuraasta la dooranayo lahaa hortooda uu uga hadaaqo in soo xushaan ergada 65% ka mid ah, inta kalena asagu uu soo qorayo! Waxa la isweydiiyey asagu ma oday dhaqameed beesha ka tirsan baa?,” ayuu ku yiri Fiqi qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu Beelaha Mudug ugu baaqay inay u midoobaan ilaalinta xuquuqdooda siyaasadeed iyo doorashada cida baarlamaanka ku matalaysa, ayna si wada-jir ah uga hor-imaadan rabitaanka Qoor-Qoor.

“Raali ha ka noqonina kala qeybinta iyo wax isdaba-marinta ay Qoor-Qoor iyo adeegayaashiisu ka dhex wadaan beelaha,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Axmed Macalin Fiqi.

Ugu dambeyntiina waxa uu qoraalkiisa ku yiri”Reer Mudug waxaan ku leeyaha “Qoorqoorkii la tag u bartay, ka dhiciya waa ku adag tahay, laakin Mudug waa in ay noqotaa meeshii dhurwaaga lagu edbin lahaa ayadoo la ilaaliya nabadda iyo xasiloonida!.”