Safiirka Mareykanka oo la xariiray madax goboleedyada iyo Guudlaawe oo codsaday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Lary Andre ayaa khadka taleefanka kula xariira madaxda dowlad goboleedyada dalka, isagoo ku adkeeyey in doorashada xildhibaanada golaha shacabka lagu soo gabagabeeyo 15-ka bishan Maarso oo ah waqtigii loo asteeyey.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa safiirka Mareykanka u cadeeyey in waqtiga haray aan lagu soo gabagabey karin doorashada kuraasta taalla Beledweyne.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in caqabado badan ay ku hor gudban yihiin doorashada kuraasta Beledweyne, isagoo codsaday in la siiyo waqti dheeraad ah, waxayna xubno xog-ogaal u ahaa wadahadalkaas ay noo xaqiijiyey in waqti dheeraad ah la siiyey Cali Guudlaawe.

Intii uu socday wadahadalkaan ayaa madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Puntland waxay safiirka u xaqiijiyay inay xubnaha ka haray doorashada deegaanadooda ku soo gabagabeynayaan ka hor 15-ka bisha.

Safiirka Mareykanka ayaa sidoo kale Axmed Madoobe kala hadlay xaalada Garbahaarey oo ay taallo 16 kursi, waxuuna u sheegay in aysan suura-gal aheyn in doorasho lagu qabto magaalada Garbahaarey.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa safiirka u sheegay in caqabado badan ay ka jiraan deegaan doorashada labaad ee maamulkiisa, isagoo u cadeeyey in Jubbaland ay dooneyso in doorashada kuraastaas lagu qabto meel aan aheyn Garbahaarey.

Sidoo kale intii wadahadalkaasi uu socday Madaxweynaha Jubbaland waxuu soo jeediyey in doorashada 16-ka kursi ee Garbahaarey taalla loo wareejiyo degmada Ceelwaaq oo ka tirsan gobolka Gedo.

Ilo ku dhow Safiirka Mareykanka ayaa sheegaya inuu arrinta Garbahaarey uu kala hadlay Madaxweynayaasha kale ee dowlad goboleedyada oo ku aadan aragtidooda, waxayna madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed u sheegeen inay muhiim tahay in heshiiskii 17-kii September la fuliyo oo iyagaba sidii loogu tala galay ay u dhaqan geliyeen.

Illaa hadda la iskuma raacin sida laga yeelayo arrinta Garbahaarey iyo in deegaan kale loo wareejiyo doorashada, waxaana jira wadatashiyo kala duwan oo xubnaha Beesha Caalamka ay ka yeelanayaan arrinta Garbahaarey.

Doodaha qaar eek u saleysan arrinta Garbahaarey ayaa tilmaamaya in laga gudbo kuraastaas oo la fariisiyo baarlamaanka, si aan loogu xayiraan hal deegaan doorasho, maadaama waqti badan horay loo lumiyey, iyadoo dib laga raadinayo xal ay ku dhici karto doorasho nabdoon oo ka qabsoonta gobolka Gedo.