Mid ka mid xildhibaanada cusub ee BF oo geeriyooday iyo shaki hareeyey sida ay…

Nairobi (Caasimada Online) – Faah-faahin kala duwan ayaa kasoo baxaysa geerida Allaha u naxariistee Maxamuud Muxumed Kuulow oo ka mid ahaa xildhibaanada cusub ee golaha shacabka oo galabta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Geerida marxuumka ayaa warar hordhac ah oo Caasimada Online heshay ay sheegayaan in xalay uu si nabad ah ku caweeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegeen saaxiibadiisii ugu danbeeyay dad uu arko xildhibaanka, waxaana saakay waaberigii isagoo nabad qaba la geeyay halka uu ka degan yahay Nairobi.

Geerada marxuumka ayaa waxay naxdin iyo ama-gaag la noqotay saaxiibadii uu xalay la caweeyay, in meydkiisa guriga loogu tegay isagoo aan qabin wax xanuun ah ama uu ka sheeganayay iyadoo darawalkii saakay gurigiisa geeyayna uu kula balamay in 5-galabnimo uu soo doono.

Siyaasabo kala duwan ayaa looga hadlay geerida marxuumka iyo shaki badan oo oo laga muujiyay geeridiisa maadaama uu caafimaad ku seexday wax xanuun ahna aysan jirin. Inkasta oo aanay caddeyn in la dilay iyo in kale, haddana shakiga arrintaas ku aadan ayaa ah mid xoogan

Xildhibaan Kuulow ayaa bishii hore ee Febraayo lagu doortay magaalada Kismaayo, isagoo ku guuleystay kursiga HOP#079, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyey madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu kamid ahaa bulshada dadka waxgalka u ah ee kasoo qeyb qaatay shaqooyin  badan oo ay ugu muhiimsan yihiin arimaha bulshada oo door muuqda uu ku lahaa isagoo kamid ahaa dadka sida weyn u garab istaagay dowladnimada Jubaland wakhtigiisa iyo maalkiisana u huray,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in marxuum Maxamuud Kuulow dhawaan loo doortay xubin kamid ah baarlamaanka JFS, waxuuna Madaxweynahu si gaar ah tacsi ugu diray ehellada iyo qaraabadii uu ka baxay Xildhibaan Kuulow, isagoo Alle uga baryay inuu janadii fardowso ka waraabiyo.

Waa xildhibaankii u horeeyey ee ka geeriyooday xubnaha ay weli xulashadoodu socoto ee golaha shacabka, waxuuna maalmihii u dambeeyey ku xanuunsanaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.