Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Somaliya, ayaa waxay wadaa galaangal xoog badan leh oo ay ku dooneyso inay isaga qafiifiso culeyska kaga imaanaaya Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, oo ka biyo diidan inay codka kalsoonida siiyaan Golaha Wasiirada.
Xildhibaanada, ayaa waxay ka caroodeen qaabka loo soo xulay Golaha Wasiirada, waxayna ku macneeyeen kuwo hal dhinac u janjeera, isla-markaana aynaan dhici doonin inay aqbalaan. Xildhibaanadu waxay intoodu badan dalbadeen in maalinta Sabtida ah kawaanka la saaro Golaha Wasiirada, si kalsoonida loogu diido amaba loo siiyo.
Madaxtooyada waxay adeegsaneysaa tiro Xildhibaano iyo siyaasiyiin taageersan, si ay u kasbadaan taageerada Xildhibaanada gadoodsan. Waxay doonayaan inay ka dhaadhiciyaan inay ka laabtaan mowqifka adag, ee ay ku diidan yihiin Wasiirada cusub.
Madaxtooyada oo dareensan in waqtiga uu isa soo guraayo, ayaa waxay adeegsaneysaa xeelad kastaa, oo ay ku kasban kareyso taageerada Xildhibaanada Baarlamaanka, si Xukuumadda Cumar C/rashiid looga badbaadiyo inay dhacdo.
Arrinta xiisaha leh, ayaa waxay tahay iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ay iska demiyeen teleefanadooda gacanta, waxaana adag goobihii loogu hagaagi lahaa Xildhibaanadaasi. Tani waxaa u muuqataa mid kaloo caqabad ku ah Madaxtooyada.
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxtooyada uu la soo dersay culeyskii ugu xooganaa oo xagga Xildhibaanada ah, isla-markaana ay Madaxtooyadu foodda kula jirto xilli jahawareer ah.
Xildhibaanada qaarkood, ayaa maalmihii ugu dambeysay waxay balanqaadeen inaanay wax taageero ah siin doonin Golaha Wasiirada cusub, isla-markaana ay ka soo qaadi doonaan kuwo waxba kama jiraan ah.
Xilliyadaan oo kale waxaa la tilmaamaa in Madaxtooyada Somaliya ay adeegsato masuq maasuqa ugu ballaaran, iyadoo markaasi u adeegsaneysa rabitaankeeda iyo ka miro dhalinta damaceeda siyaasadeed.
Xeer Ilaalinta iyo Hanti Dhowrka Guud Qaranka, ayaan indhahoodu waxaysan qaban masuq maasuqa ba’an ee lagu fooliyo Villa Somalia, marka laga soo taggo in dadka jilicsan ay ku deg deggaan, iyagoo ku dhaliilaaya masuq maasuq iyo lunsashada hantida Qaranka.
Si kastaba ha-ahaatee haddii Ra’iisal Wasaare Sharmaarke aanu Golahiisa Wasiirada codka kalsoonida uga helin Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa suurta gal ah in uu fashilmo, maadaama Baarlamaanka uu fasax gelayo maalinta Khamiista ah, muddo laba bilood ka dibna dib loo furi doono Xarunta Golaha Shacabka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

