Xildhibaannada toosinta talada dalka oo shaaciyey qorshahooda berri (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia ku kulmay Xildhibaano kor u dhaafayo 70 kuwaasi oo mar kale shaaciyay inaysan ansixin doonin maalinta bari ah Xukuumada Cusub ee Somalia.

Xildhibaanada kulmay ayaa waxaa u hadlay Cabdulahi Goodax Barre, Foosiyo Yuusuf Xaaji, Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil, waxa ayna sheegen in maalinta bari ah aysan ansixin doonin Xukuumada Cusub uu dhawaan soo dhisay Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo hadalka ku horeeyay ayaa waxa uu yiri ”Kulankaani waxaa maanta isugu yimid kutlo ka kooban ilaa 70 xildhibaano, inaan umadda soomaaliyeed u cadeyno anaga iyo kutlada kale ee lamagac baxay Badbaado Qaran oo iyaguna ilaa 80 xildhibaan gaarayo inaan beri kalsooni siinin Xukuumada Cusub ee uu soo dhisay Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid. Sababta aan u siineynin kalsoonida waxa ay tahay kalitalisnimo oo ay soo abaabusheen 5-6 ruux oo raba in wadankaani ay kusoo celiyaan diktaatoorinimo. waxa ay rabaan inay siiwadaan Musuq-maasuqii ay wadeen inta sano ay xilka hayeen”

Sidoo kale, Sidoo kale Xildhibaan Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in iminka aan loo baahneyn in laga fakiro Hiigsiga sanadka 2016 balse ay muhiim tahay in la hormariyo adeegyada Bulshada.

Waxa ay sheegtay in Xukuumadaani ay ku jiraan Wasiiro hore oo aan waxba qaban, waxa ayna Tilmaantay in DF Somalia ay dayacday Hanaanka Siyaasadeed, Waxbarashada, iyadoona gaashaanka ku dhufatay inaan loo dulqaadan doonin Cajuubka ay Madaxda ku hayaan Siyaasada.

Cabdulahi Goodax Barre ayaa dhankiisa ka sheegay in marnaba aysan aqbali doonin go’aan lagu ansixiyo Wasiirada Cusub ”Labada kutlo ee midoobay waxa ay ku midoobeen Fakir ah inay hor istaagan Xukuumada cusub oo beri hor imaan doonto Baarlamaanka, Umadda soomaaliyeed wan ugu bishaareyneynaa, Umadda soomaaliyeed waxan ugu bishaareyn doona inaan maalinta bari ah hor istaagno Xukuumada, si loo helo xukuumad wanaagsan”

Dhanka kale, Xildhibaanadaani oo maanta kulan aan caadi aheyn ku qaatay Muqdisho ayaa sheegay inaay ka go’an tahay in ay ka dhabeeyaa in aysan Codka Kalsoonida siinin Golaha Wasiirada Cusub.

Waxaa maalinta beri ah la filayaa in Xukuumada Cusub la horgeeyo Xildhibaanada Baarlamaanka si kalsooni ay u weydiistaan Golaha BF.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com