28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Wararkii ugu dambeeyay ee xulista xildhibaannada iyo doorashada Waqooyi Bari

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa haatan ka socda qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo xulista xildhibaannada cusub ee maamulka dhowaan looga dhowaaqay magaaladaas ee la magac baxay Waqooyi Bari Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga dhismaha maamulkan, Dr. Axmed Nuur Uleex oo wareysi siiyay Universal Tv ayaa ka hadlay sida ay haatan wax u socdaan, wuxuuna sheegay in la bilaabayo xulista xildhibaannada, kadibna la aadi doono doorashada gudoonka iyo midda madaxweynaha.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in qorshuhu yahay in howshaan lagu soo gabagabeeo bishaan, si oo dhiso hay’adaha maamul-goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaiya.

“Haddii uu eebbe idmo waxaa hadda bilaabanayo xulintaanka xildhibaannada, kadibna waxaa ku xigta doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa” ayuu yiri Dr. Axmed Nuur.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan rajeyneynaa in howshan oo dhan ay inay kusoo dhamaato bisan August dhexdeeda, waxa ugu muhiimsan hadda waxaa weeye xulitaanka golaha wakiilada”.

Dr. Axmed Nuur hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in gunaanadka howshan ay kasoo qayb-geli doonaan madaxda qaranka oo tegi doonto munaasabadda wayn ee maamulka oo ka dhici doonta isla Laascaanood.

“Waxaan jecelnahay inay nasoo sharfaan madaxda qaranku ruuxa ama mas’uulka ka imaan doono waxaan u deyneynaaa xilliga uu baratakoolkiisa yimaado” ayuu mar kale yiri.

Si kastaba, Abuuritaanka maamulkan cusub waa natiijo toos ah oo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay oo ka qaraxday magaalada Laascaanood, oo ah xarunta gobolka Sool, dabayaaqadii 2022. Dibadbaxyo looga soo horjeeday dilal is-daba-joog ah oo loo geystay shakhsiyaad deegaanka caan ka ahaa ayaa isku beddelay halgan hubeysan oo ballaaran bishii Febraayo 2023, kaas oo dhex maray ciidamada ammaanka ee Somaliland iyo ciidamadii cusbaa ee SSC-Khaatumo.

- Advertisement -

Read more

Local News