Wararkii ugu dambeeyay howlgallada ka socda koonfurta MUDUG

Camaara (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo iyo howlgallada culus oo ay wadaan ciidamada dowladda & kuwa deegaanka laga dareemayo koonfurta gobolkaas oo hoostaga Galmudug.

Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa inay haatan guluf xoogan ka wadaan magaalada Camara oo kamid ah meelihii uhu dambeeyay ee laga saaray Al-Shabaab.

Bartimaameedka ciidamada ayaa ah sidii ay kooxda uga saari lahaayeen deegaanka Caad, sida uu xaqiijiyey Wariyaha Idaacadda Kulmiye uga SOO warrama deegaanada Galmudug.

“Qorshaha abaabulkan waa sida saacadaha, maalmaha iyo xilliyada soo aadan lagu qaban lahaa deegaanka Caad” ayuu yiri Wariye Xasan Axmed oo ku sugan jiida hore.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhowr jiho ay duulaan uga yihiin deegaankaasi, si loo xoreeyo.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa wajahaya xaalad adag oo ka dhalatay daadadka ku dhuftay gobollada dhexe, waxaana lasoo wariyay inay ku go’doonsan yihiin halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan koonfurta gobolka Mudug.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo kaashanayaa dadka deegaanka ayaa howlgallo jab lagu gaarsiiyay Al-Shabaab ka waday Galgaduud iyo Mudug.