Jowhar (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay suuq ku yaalla xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle, kaas oo dhaliyay khasaare aad u xoogan.
Dabkan ayaa ka billowday Foorno lagu sameeyo Buskudka iyo Xalwada, taas oo ku taalla dhhinac koonfureed xaafadda Hantiwadaag, wuxuuna geystay khasaare hantiyeed.
Dabka ayaa baabi’iyay Foornada iyo sidoo kale goobo kale oo u dhowaa, balse ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabkaasi.
Dadaallo kala duwan oo ay sameeyeen dadka deegaanka ayaa keentay in markii dambe lagu guulaysto dabkan oo baaxadiisu aad u weyneyd, balse laga hortagay.
Qaar kamid ah ganacsatada suuqa oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay dabkaasi, waxayna sheegeen in bubur xoogan uu soo gaaray goobaha qaar ee suuqa.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in dabka uu saacado qaatay, isla-markaana ay ugu wacan tahay, dab damis yari iyo sidoo kale waqtiga oo ahaa xilli habeen ah.
Jowhar ayaa leh hal baabuur oo dab damis ah, kaas oo mararka qaar ganacsatadu ka cowdaan inuu soo daaho, xilli loo baahdo gurmadka deg-degga ah.
28-kii bishii bishuu August ayay aheyd markii uu isla suuqaan ka kacay dab xoogan oo ka dhashay koronto, kaas oo baabi’iyay goobo ganacsi oo ku yaalla suuqa magaalada Jowhar.
Waxaa kasoo horreeyay oo ,aalmo ka hor sidaan oo kale dab xoogan uga kacay suuqa Darwiish oo ku yaalla magaalada Beledweyne, kaas oo geystay khasaare xoogan.


