Maxay yihiin shaqsiyaadka ay qabteen ciidanka SSC-Khaatumo?

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada SSC-Khaatumo, gaar ahaan kuwa xasilinta ee magaalada Laascaanood ayaa howl-gallo kala duwan ka sameeyay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

Howl-galladan oo ahaa kuwo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Laascaanood ayaa waxay ciidanka kusoo qabteen dad dhowr ah.

Shakhsiyaadkan ayaa ku eedaysan in aysan u hoggaansamin “nidaamka dowliga ah” ee kal hore Laascaanood looga dhawaaqay, sida ay sheegeen saraakiisha amniga SSC.

Saraakiisha ciidanka ayaa sidoo kale waxay sheegeen in shaqsiyaadka ay ciidanka ku qabteen howl-galladii u dambeeyay loo gudbin doono hay’adaha garsoorka ee maamulkaasi.

“Sharciga ayaa la horgeyn doonaa, waxaana go’aan ka gaaraya garsoorka,” ayey u sheegeen warbaahinta maxaliga ah.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli ciidanka la magac baxay xasilinta ee Laascaanood ay maalmihii dambe ay wadeen howl-gallo culus, kuwaasi oo qoryaha looga xareeyay qaar kamid ah dhalinyarada Laascaanood oo qoryahooda la dhex marayay magaalada.

Si kastaba, markii ay xoogagga SSC ka adkaadeen ciidamada Somaliland, ayaa waxaa Laascaanood lagu dhisay maamul la yiraahdo Khaatumo, kaas oo doonaya in xubin uu ka noqdo maamullada xubinta ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, balse weli diidmo adag iyo gacan ka hadal ayay kala kulmayaan Somaliland.