Wararkii ugu dambeeyay madaafiic lagu garaacay Laascaanood + Khasaaraha

Laascaanood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo ay maanta ciidamada milatariga Somaliland ku qaadeen qaybo kamid ah gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay hoobiyeyaasha lagu garaacay Laascaanood iyo xaaladda guud ee magaaladaasi.

“Saaka aroortii-bey soo bilaabeen nimankii Soomaali diidka ahaa, madaafiicda waxay la dhaceen halkaas, illaa dhaqtarka” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in madaafiicda ay dhaliyeen khasaar isugu dhaawac iyo burbur soo gaaray dhismayaal ku yaalla magaalada dhexdeeda.

“Dhaawacyo yar yar mooyee wax khasaare ah ma ogi, guryo gubtana way jiraan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka, oo ay saameyn ku yeeshee. madaafiicda maanta lagu garaacay halkaasi.

Wararkiika ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga xerada Goojacadde, halkaas oo ay isku horfadhiyaan.

Horay waxaa u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo dirayo.

Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

Si kastab, waxaa Laascaanood dhowr bilood oo xiriir ah ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah.