Aadan Madoobe oo hal arrin ku qancinaya mucaaradka madaxweyne Lafta-gareen

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa xalay kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa midowga siyaasiyiinta mucaaridka kala hadlay arrimaha shirka dib-u-heshiisiinta oo maalmihii dambe ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii loogu guuleysan lahaa gogosha taala magalada Baydhabo ee looga arrinsanaayo dib-u-heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo Baydhabo ugu sugan shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa waxa uu dadaal badan ku bixinaya sidii uguuleysan lahaa shirkan, oo dan u ah maamulka Koonfur Galbeed oo dhulkeeda inta badan gacanta ugu jira Al-Shabaab.

“Arrinta dib-u-heshiisiinta laab la-kac ma ahan, ujeedo kalena lagama laha ee waa helista Koonfur Galbeed oo mid ah,” ayuu Aadan Madoobe ka sheegay furitaankii shirka dib-u-heshiisiinta ee ka furmay magaalada Baydhabo.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo shalay la kulmay odayaasha dhaqanka, ayaa wuxuu u xil-saaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii mad-madow ah ee ka dhex jira bulshada reer Koonfur Galbeed, si wajiga koowaad ee dib-u-heshiisiinta u noqdo mira-dhal.

Shirka dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa lagu wadaa in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed, waxayna u badan tahay in Lafta-gareen hal-kiisa sano loo dhaafi doono.