Taliye Xasan Tuure iyo askar kale oo ku dhintay dagaalkii saaka ee GALCAD

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qaraxyo ku billowday oo waaberigii hore ee saaka ay Al-Shabaab ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Weerarka ayaa la sheegay in uu ku billowday illaa laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo dagaal-yahaanada Al-Shabaab

Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Khasaaraha ayaa soo kala gaaray labada dhinac ee kala ah ciidamada dowladda, dadka deegaanka oo dhinac ah iyo Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay Taliye ku-xigeenka ciidanka gaarka u tababaran ee DANAB Xasan Maxamed Cismaan oo ku magac-dheera (Xasan Tuure).

Sidoo kale dadka ku dhintay dagaalkan ayaa waxaa kamid ah askar, kuwaasi oo sida la xaqiijiyay ahaa Ilaaladii taliye Xasan Tuure, inkasta oo aan faah-faahin rasmi ah laga bixin in uu ku dhintay qaraxyada iyo in uu ku naf waayay dagaalka tooska ah ee xigay.

Taliye Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ayaa waxa uu kamid ahaa saraakiisha hogaamineysay howl-galka lagu qabtay degmada Galcad iyo deegaano kale, oo laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa dagaal xoogan kala hortagay dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday mid kamid ah saldhigyada ay ka sameysteen degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Dowladda federaalka ayaa goor sii horeysay sheegtay in weerarkii saaka lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay ku tilmaamtay inuu ahaa weerar “naf la-caari ah”.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda in xaaladda magaalada ay hadda degan tahay, islamarkaana ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.