DF oo shaacisay tirada Al-Shabaab saaka ‘looga dilay’ weerarkii degmada Galcad

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay weerarkii ku billowday qaraxyada ee Al-Shabaab ku qaaday degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Qoraalka wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in weerarkii saaka lagu jebiyey kooxda, islamarkaana uu gaaray khasaare dhimasho oo aad u xoog badan.

“In ka badan 100 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa saaka la dilay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku yaalla Magaalada Galcad ee Gobalka Galguduud halkaas oo ka mid ah goobihii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa lagu jabiyay Khawaarijta waxaana meydadkooda ay daadsan yihiin goobta dagaalka uu ka dhacay, iyadoo halkaasi looga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo ay khawaarijtu xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.

Dhinaca kale, dowladda ayaa qirtay in weerarka ay ku dhinteen 7 askari, oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Taliye Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure).

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka dowladda in xaaladda magaalada ay hadda degan tahay, islamarkaana ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.

“Waxaa jira khasaaro badan oo la gaarsiiyay kooxda Khawaarijta ee weerarka soo qaaday,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Degmada Galcad oo dhawaan laga qabsaday kooxda Al-Shabaab ayaa waxay waaberigii hore ee saaka weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in illaa laba gaari oo laga soo buuxiyay waxlaha qarxa lagu weeraray saldhigyada ciidamada ee degmada Galcad, sida ay sheegayaan goobjoogayaal.

Jugta qaraxa oo si weyn looga maqlay degmada iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

Weerarka saaka ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weli kusii siqayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.