25.4 C
Mogadishu
Sunday, October 5, 2025

Wararkii ugu dambeeyay weerarka qaraxyada ku billowday ee Godka Jilacow

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah iyo macluumaad ayaa waxaa laga helayaa weerar toos ah oo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay galabbta ku qaadeen aagga Xarunta Madaxtooyada, gaar ahaan Xarunta Godka Jilacow ee Hay’adda NISA.

Qaraxyo iyo rasaas xooggan ayaa weli laga maqlayaa aagga Godka Jilacow, waxaana soconaya iska hor imaad u dhexeeya ciidanka amniga iyo ragga weeraray halkaasi.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax ismiidaamin ah oo lagu dhuftay bar-koontarool oo ku taalla halkaasi, kadibna waxaa xigay dagaal toos ah , sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xaaladda ayaa kacsan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa iyo weerarka xigay ee illaa iyo hadda ka socda Taliska Godka Jilacow ee Hay’adda NISA.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale isku geedaamay goobta la weeraray, waxaana socda gurmad deg-deg ah iyo howlgal lagu soo afjarayo weerarka.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta la furay illaa 52 waddo oo horay loogu xiray sababo amni dartood,  waxaana ujeedka lagu sheegay fududeynta isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Furista waddooyinka ayaa timid kadib markii ay dowladdu ku guuleysatay sugidda amniga Muqdisho oo xasilnaa bilihii lasoo dhaafay, kadib markii laga qabtay shaqo adag.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda lagu furay jidadka ayaa goor sii horreysay oo maanta ah sheegay inay hordhac yihiin jidad kale oo la furi doono maalmaha soo socda.

”Waxaa billownay in aan furno 52 jid oo ah wajiga caasimadda, kuwa kale ee dhimman waa furi doonaa dhawaan”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Si kastaba, Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay ka caaganeyd weerarada qaraxyada ah iyo dilalka qorsheysan ee ay soo abaabulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News