Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa bayaano falcelin ah ka soo saaray weerarka qaraxa ku bilowday ee ay galabta Al-Shabaab ku qaadeen xarunta Godka Jilacow oo ka mid ah talisyada NISA, kaas oo ku yaalla agagaarka Madaxtooyada, gaar ahaan dhanka Taalada Daljirka Daahsoon.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in dagaalyahannada weerarka fuliyay ay adeegsadeen xeelad yaab leh, ayna isku ekeysiin ciidanka amniga, iyaga oo isticmaalay gaari lagu soo buufiyay astaanta NISA, kadibna ay sidaas ku gaareen bartilmaameedkooda.
Haddaba hoos ka aqriso falcelinta Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre:
Shariif Sheekh Axmed
“Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay ku qaaday xarunta Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho. Waxaan duullaankaan u arkaa mid lagu carqaladeynayo nabadgelyada iyo xasilloonida shacabka.
Waxaan ka tacsiyeynayaa khasaaraha ka dhashay duullaanka argagixisada, waxaana ciidanka ammaanka iyo shacabka caasimadda ku boorrinayaa inay sii xoojiyaan wada-shaqeyntooda xaqiijinta nabadgelyada iyo kahortaga weerarada naf-la-caariga ah.
Kooxaha argagixisada ah waxay mar walba halis aan la iska indho tiri karin ku yihiin dowladnimada, waana in ciidanka ammaanka loo jiheeyo sugidda nabadgelyada iyo la dagaallanka kooxaha caadeystay daadinta dhiigga shacabka.
Ugu dambayn, waxaan bogaadinayaa geesiyaasha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee maanta dib ula wareegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.”
Xasan Cali Kheyre
“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka bahalnimada ah ee argagaxisadu ku qaadeen xarunta Nabadsugidda ee Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho. Waxaan Alle ka baryayaa inuu u naxariisto dadkii ku geeriyooday, una bogsiiyo intii ku dhaawacantay.
Argagaxisadu waa halista iyo caqabadda ugu weyn ee hortaagan horumarka dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliya. Waxaan si buuxda dowladda ugu garab taaganahay la dagaallanka khawaarijta arxanka daran. Waxaana ummadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba, ugu baaqayaa inaan u midowno ciribtirka argagaxisada oo ah waajib diini iyo damiiri ah.
Waxaan bogaadinayaa ciidamada qaranka ee habeen iyo maalinba u heellan difaaca dalkeenna iyo dadkeenna. Waxaana ku boorrinayaa inay sii labanlaabaan feejignaanta iyo dadaallada ay ku xaqiijinayaan amniga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

