Wararkii ugu dambeeyey dadaallada wasiirada cusub loogu raadinayo kalsoonida BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirada magacaaban ee xukuumadda Soomaaliya ayaa kulamo isdaba-joog ah ka wada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay la yeelanayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulamada oo shalay soo bilowday ayaa ka dambeeyay kadib markii Ra’iisul Wasaare Xamza uu ku wargeliyay Wasiirada cusub in mid walba uu codka kasloonida ka raadsado Xildhibaanada ku matala Golaha Shacabka.

Golaha Wasiirada magacaaban qaarkood ayaa soo bandhigay kulamo gaar-gaar ah oo ay la yeesheen Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka, kuwaasi oo kala ah, Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Duulista Hawada Fardowsa Cigaal, Wasiiru-dowlaha wasaaradda Qorsheynta Cabdirashiid Jire Qalanle.

Wasiirrada durba qaabilay xildhibaanada beeshooda ku metela baarlamaanka ayaa sidoo kale waxa ka mid ah Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo loo magacaabay wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

Mukhtaar ayaa la kulmay xildhibaanada jufasiida hoose ee Liisaan ku metela golaha shacabka, waxaana la sheegay inuu ka codsaday in codkooda kalsoonida ay siiyaan xukuumadaan uu ka tirsan yahay.

Wasiirka cusub ee gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka mid ah xubnaha deg-deg u qaabilay xildhibaanada metela, si codka kalsoonida ay uga helaan.

Kulamadaan ay bilaabeen wasiirradu ee xildhibaanada looga codsanayo codkooda, waxay ku soo aadayaan iyadoo beelaha Digil iyo Mirif ay aad u saluugsan yihiin karaasta laga siiyey xukuumadda cusub.