Xog: Sacdiya oo kasoo horjeedda golaha wasiirada kadib xilkii la siiyey beesheeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa kasoo horjeeda habka loo xulay golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Sacdiya ay diidan tahay xilka kusoo aaday beesheeda Carab Saalax oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Xilkaas oo loo magacaabay Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa isla maalintii lagu dhowaaqay golaha wasiirada sheegay inuusan qaadaneyn, islamarkaana uu yahay xil aan u qalmin beeshiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabaa inaan ka caddeeyo halkaan, inaan iska casilay xilkii la ii magacaabay ee wasiir ku-xigeenka qorsheynta, beel ahaan uma qalano kursigaan, kumana meteli karo beesheyda,” ayuu yiri Maxamed Cabdulqaadir Cali.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay aya Caasimada Online u sheegay in Sacdiya ay ka dambeysay is-casilaadda wasiir ku-xigeenka oo markii horeba ay ayada u gaysay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza.

Beesha Carab Saalax ayaa dowladdii hore ku lahayd wasiir, hase yeeshee maadaama ay hadda haystaan xilka guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka, waxaa la siiyey wasiir ku-xigeen, sida xilka wasiirka loo siiyo beelaha kale ee ka tirsan Beesha Shanaad.

Sacdiya, ayaa sida aan xogta ku hlenay raali ku aheyd wasiir ku-xigeenka balse waxay fileysay xilka wasiir ku-xigeenka maaliyadda oo ay kala hadashay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, taasi oo markii ay ka waysay liiska ay ka carootay.

Ma cadda haddii Sacdiya ay xilkeeda iyo saameynteeda u adeegsan doonto inay ku curyaamin doonto ansixinta golaha wasiirada.

Golaha wasiirada oo ka kooban 76 ayaa 43 ka mid ah ama 56% ay yihiin xildhibaano, waxaana wasiir kasta loo diray inuu keeno ugu uaraan saddex xildhibaan oo ku beel ah oo codka siiya, waxayna u badan tahay in la ansixin doono.