Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Daljirka oo istaagay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal caawa ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa ilaalada musharaxiinta mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda gaar ahaan kumaandooska Gorgor ay laba jiho ka weerareen Hotelka Maa’ida (Ex. Nasahablod) iyo Taalada Daljirka Dahsoon iyadoo ay rasaas culus is weydaarsadeen ciidamada ilaalada mushariixiinta ee Goobahaasi ku sugnaa.

Ciidamada weerarka qaaday ayaa dhinaca danbe uga soo dhowaaday Hotelka Maa’ida, waxaana la sheegay in dib loo celiyey, halka ciidamo kale ay isku dhaceen ciidamo ilaalo ka ahaa Taallada Daljirka Dahsoon.

Wasiirkii hore ee amniga Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed oo ka mid ah xubnaha sare ee xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay soo weerareen hotelka ay degan yihiin labadii madaxweyne ee hore.

Sidoo kale Senator Ilyaas Xasan oo ka mid ah xisbiga Himilo Qaran ee Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaa nasiib daro ah in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Farmaajo uu weerar cad kusoo qaadey Daljirka-Dahson oo oo maalinta berito ah loo diyaariyay inuu kadhaco mudaaharaad nabadeed halkaas oo ay joogeen ilaalada Masuuliyiinta Midowga Musharraxiinta oo ay ugu horeeyaan 2dii Madaxweyne ee hore Sheikh Sharif iyo Hassan Sheikh.”

Dhinaca kale, wasiirka amniga Xasan Xundubey ayaa yiri “Xundubey ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho. Sarkaal u hadlay malleeshiyadaas ayaa caawa fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho.”

Rasaasta ayaa qabowday, iyadoo ay weli xiisad jirto, kadib markii ay dib u durkeen ciidamadii dowladda ee weerarka qaaday; lamana oga inay halkaas ku joojin doonaan weerarka iyo in kale. Ujeedka weerarka ciidamada dowladda ayaa la sheegay inuu yahay joojinta bannaanbaxa qorsheysan Jimcaha.

Ciidamo gurmada ah ayaa gaaray Hotelka ay ku jiraan Musharixiinta ay ugu horeeyaan Madaxweynayaashii hore, waxaana hadda degan xaaladda.