Tehran (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa Talaadadii sheegay in Tehran aysan doonayn inay sii waddo weerarada haddii Israel ay joojiso duqeymaheeda, saacado un kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay xabbad joojin loo qorsheeyay inay si tartiib tartiib ah u dhaqan gasho si loo soo afjaro colaadda labada dal.
Abbas Araghchi ayaa soo jeediyay in Iran ay horey u hakisay howlgaladeeda milatari 4:00 subaxnimo waqtiga Tehran (0030 GMT), isaga oo sheegay in sidoo kale ay doonayaan in Israel ay isla waqtigaas joojiso weerarada.
Trump ayaa sheegay in xabbad joojinta la hirgelin doono muddo 24 saacadood ah, taas oo billaabaneysa 0400 GMT Talaado, iyadoo Iran si kaligeed ah u joojin doonto dhammaan howlgaladeeda. Israel ayaa la filayay inay ku dayato 12 saacadood kadib.
“Waa lagu heshiiyay si buuxda — Israel iyo Iran — in la gaaro xabbad joojin dhammaystiran,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social.
“Markii la gaaro 24-ka saacadood, dunidu waxay si rasmi ah ugu dabaal degi doontaa dhammaadka dagaalkii 12-ka maalmood socday,” ayuu raaciyay, isagoo xusay in labada dhinac ay ogolaadeen inay “xilli kasta ahaadaan kuwo nabad iyo ixtiraam leh.”
Haddii la joojiyo dagaalka, waxay noqon doontaa war farxad leh oo ay si weyn u sugayeen hoggaamiyeyaasha caalamka, kuwaasoo ka baqdin qaba inuu qarxo dagaal ballaaran.
Ilaa iyo hadda Israel kama aysan soo bixin wax war rasmi ah oo xaqiijinaya inay joojinayso weerarada, kuwaasoo sababay dhimashada boqolaal qof oo Iran ah iyo labaatan qof oo Israel ah.
Habeenkii xalay, qaraxyo xooggan ayaa gilgilay magaalada Tehran, iyadoo warbixinada wariyeyaasha AFP ay sheegeen in qaraxyada ka dhacay waqooyiga iyo bartamaha caasimadda ay ahaayeen kuwii ugu xooganaa tan iyo markii dagaalku billaabmay.
Araghchi oo qoraal kusoo daabacay baraha bulshada ayaa yiri: “Howlgallada milatari ee ay fulinayeen Ciidamadeenna xoogga leh si ay u ciqaabaan Israel oo duullaan ah, waxay socdeen ilaa daqiiqaddii ugu dambeysay — 4:00 subaxnimo.”
“Laga bilaabo haatan, ma jiro wax ‘heshiis’ ah oo ku saabsan xabbad joojin ama joojinta howlgal milatari. Si kastaba ha ahaatee, haddii maamulka Israel uu joojiyo duullaanka sharci darrada ah ee uu ku hayo shacabka Iran ugu dambeyn 4:00 subaxnimo waqtiga Tehran, annaguna ma lihin wax qorshe ah oo aan ku sii wadayno weerarrada,” ayuu ku daray.
Labada dhinac ayaa isd-haafsanayay gantaallo tan iyo markii Israel ay qaaday weerar lama filaan ah oo ay ku sheegtay “ka hor tag,” 13-kii June, kaasoo ay ku beegsatay xarumo nukliyeer iyo goobo milatari oo Iran ah, taasoo keentay in Trump uu uga digo khatar dagaal ballaaran oo gobolka ka qarxa.
– Weerarka saldhigga Mareykanka –
Trump oo ku dhawaaqay heshiiskan xabbad joojinta ayaa sameeyay hadalkaas saacado un kadib markii Iran ay gantaallo ku garaacday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe — Al Udeid Air Base oo ku yaalla Qatar — weerar uu Trump ku tilmaamay “mid aad u tabar darran.”
Trump ayaa sheegay in Tehran ay horay u sii ogeysiisay weerarka, isaga oo ugu baaqay in xiisadda la dejiyo.
Golaha Amniga Qaranka ee Iran ayaa xaqiijiyay inay beegsadeen saldhigga, iyagoo sheegay inuu ahaa “fal-celin ku aaddan ficilkii gardarrada iyo kibirka lahaa ee Mareykanka uu kula kacay xarumaha nukliyeerka Iran.”
Hase yeeshee, waxay intaas ku dareen in tirada gantaallada la riday ay “la mid ahayd tirada bamamka Mareykanku adeegsaday” — taasoo muujineysa in weerarkooda lagu saleeyay in uu ahaado mid la jaan qaadaya, halkii uu kor u sii kicin lahaa xiisadda.
“Tani waxay ahayd fal si taxadar leh loo miisaamay, waxaana si cad loo muujiyay in aan la rabin wax dhimasho ah oo Mareykan ah, si labada dhinac ay ugu helaan dariiq nabadeed,” ayuu yiri Ali Vaez, oo ah la-taliye sare oo ka tirsan International Crisis Group, mar uu la hadlayay AFP.
Weerarkan Iran ay qaaday wuxuu yimid kadib markii Mareykanka uu si toos ah ugu biiray ololaha milatari ee Israel ay kula jirto Iran, isagoo duqeeyay xarun dhulka hoostiisa ah oo lagu ururiyo uranium si weyn loo adkeeyay, iyo laba xarumood oo kale oo nukliyeer habeenkii Sabtidii ilaa Axadda.
Iyada oo walaac ballaaran ka taagnaa suurtagalnimada in ololaha Israel iyo weerarada Mareykanku ay sababaan dagaal ka faaftay gobolka, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in “wareegga fowdada la soo afjaro,” halka Shiinuhu uu uga digay cawaaqib dhaqaale oo ka dhalan kara xaaladda.
– ‘Gardarro cad’ –
Iran waxay sheegtay in weerarkii ay ku qaaday Qatar uusan si toos ah u beegsanayn deriskooda Bariga Dhexe, hase yeeshee dowladda Doha ayaa ku eedeysay Tehran “gardarro cad,” waxayna sheegtay inay xaq u leedahay “fal-celin la mid ah.”
Warbaahinta dowladda Iran ayaa soo xigatay Ilaalada Kacaanka (Revolutionary Guard Corps) oo sheegay in lix gantaal ay ku dhaceen Al Udeid, saldhiggaasoo horey loo daadgureeyay sida ay sheegeen Qatar.
Sida laga soo xigtay saraakiil Mareykan ah, weerarkaasi wuxuu ka koobnaa “gantaallo gaagaaban iyo kuwa dhexdhexaad ah.”
Wariyeyaasha AFP ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo ka dhacay bartamaha Doha iyo magaalada Lusail ee woqooyiga caasimadda fiidnimadii Isniinta, iyagoo arkay gantaallo dul maraya cirka habeenkii.
Dadka reer Iran ayaa isugu soo baxay bartamaha Tehran si ay u dabaal degaan, sida ay muujiyeen muuqaallo ay baahisay telefishinka dowladda, iyadoo qaar ka mid ah dadkaasi ay siteen calanka jamhuuriyadda islaamiga ah, kuna qaylinayeen “Ha dhinto Mareykan.”
Qatar ayaa horey u shaacisay inay si ku-meel-gaar ah u xirtay hawadeeda, iyada oo tixraacday “xaaladaha ka jira gobolka,” halka safaaradda Mareykanka iyo qunsuliyadaha kale ee ajaanibta ay uga digeen muwaadiniintooda inay guryahooda ku sugnaadaan.
Dowladda Iran ayaa sheegtay in weerarada Israel ku qaaday dalkooda ay sababeen dhimashada in ka badan 400 oo qof, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka Iran. Dhanka kale, 24 qof ayaa ku dhintay weerarada Iran ay ku qaaday Israel, sida ay sheegtay dowladda Israel.