Wararkii ugu dambeeyey doorashada Galmudug iyo xulista xildhibaannada

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada Galmudug, gaar ahaan xareynta odayaasha soo xulaya xubnaha cusub ee baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in guddiga farsamada ee maamul dhisida Galmudug uu wado dadaallo xoogan oo lagu dardar gelinayo doorashada, kadib markii heshiis dhab ah laga gaaray khilaafkii xooganaa ee u dhexeeyey dowladda iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

Doorashadaan ayaa marar badan dib u dhacday, waxaana maanta oo ay ku beegan tahay 17-ka December la filayey in la qabto doorashada Madaxweynaha, sida ku cad jadwalkii ugu dambeeyey ee guddiga farsamada, inkastoo uu isbedal ku yimid jadwalkaasi.

Dib u dhac kasta oo ku yimaada howlaha Galmudug ayaa waxa uu sii foogeynayaa dadaallada loogu jiro dhismaha maamul loo dhan yahay.

Dhinaca kale, Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka xisbiga Himilo Qaran oo ka hadlay dib u dhacaan ayaa sheegay in tani ay muujineyso, sida ay dowladda federaalka Soomaaliya muddo 8 bilood ah doorasho uga sameyn la’dahay maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu su’aal ka keenay sida ay dowladdu ugu guuleysan karto inay qabato doorasho qof iyo cod ah 2020-ka, maadaama ay hadda ka harsan tahay kaliya 10 bilood.

“Maanta 17-ka December waxaa ku beegan tahay maalintii ay dowladda sheegtey in Madaxweyne loo dooranaayo Galmudug, xitaa weli Baarlamaanka lama sameyn, hadaba su’aasha meesha taalo waxay tahay hadiiba ay dowlada 8 bilood ay Galmudug doorasho ka sameyn la’ dahay sidee 10 bilood oo ka hartey doorashada guud ee 2020/2021 qof iyo cod u qabaneysaa dowladda?” ayuu yiri Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare.

Galmudug oo uu waqti badan kaga baxay dowladda dhexe ayaa hadda xaaladeeda waxa ay tahay mid ku jirta marxalad kala guur ah, waxaana socda qorshihii ugu dambeeyey ee doorashada xildhibaanada baarlamaanka iyo madaxweynaha cusub ee maamulkaasi.