Wararkii ugu dambeeyey doorashooyinka Turkiga iyo rajada xisbiga Erdogan

Shacabka Turkiga ayaa u dareeraya doorashada dawlahada hoose 31 bishaan Maarso ee aan ku jirno, doorashooyinkaan ayaa waxaa la qabtaa shantii sano mar. doorashadan waa tii ugu horeeyay tan iyo markii dastuurka waddanka afti laqaaday lagu baddaly, is baddaladaas oo madaxwaynaha siiyay awoodo fara badan, sidoo kale waxay imaanayaan sagaal bilood kadib markii madaxwayne Receb Tayyip Erdogan uu ku guulaystay doorashadii madaxtinimo bishii June 2018 isagoo noqday madaxwayne awoodo fulineed leh “Excutive Presdent”. Waxaa lafilayaa in in 57 million oo cod bixiye yaal ah ay kala doortaan 22,000 oo musharrax kuwaas oo ku tartamaya mayarnimada 30 magaalo oo waawayn “Metropolitan” iyo 1,351 dagmo “Districts”. Guddiga sare ee doorashooyinka ayaa shaaciyay in 13 xibsi ay ku tartami doonaan doorashada.

Wadanka turkiga oo dawladniamdu daadagsantahay “decenteralized” ayaa dawladaha hoose leeyihiin awoodo ay shaqooyin badan ku qaban karaan iyaga oo aan dowladda dhexe waxba uga baahan, waxay qabtaan shaqooyinka hormarineed, sida  hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tayaynta adeegyada bulsho sida biyaha,korontada, nadaafadda, waddooyinka iyo goobaha lagu nasto. Adeegayadan iyo kuwa kale oo badan oo dagmooyinku qabataan ayaa ka kadhigaya hogaanka dagmada mid isku xira shacabka iyo xisbiga uu matalayo. Waana meesha ay ka bilaabanayso kasbashada taageerada dadwaynaha.

Doorashadaan waxaa ku loolamaya labo is bahaysi oo waawayn  oo midwalba culaysyadiisa iyo caqabadihiisa gaarka ah haystaan. Waxaa muuqanaya tartan aad u adag oo aan waxba la iskula harin sida caadada u ah turkida  marka doorasho timaaddo. Isbahaysiga loogu magac daray Isbahaysiga Shacabka “People’s Alliance” oo ay ku midooben xisbiga talada haya ee Caddaalada iyo Hormarka AK PARTI iyo Xisbiga mucaaradka ah ee midigta u janjeera MHP. Labada xisbi ayaa aad isugu dhawaa tan  iyo inqilaabkii dhicisoobay ee dhacay bartamihii sanadkii 2016 kadib. Waxaa la fılayaa in ay codad kahelaan dadka muxafidiinta “Conservativist” iyo Qawmiyiinta “Nationalist” oo udhigma  illaa 60% dadka codbixiyeyaasha ah.

Dhanka kale waxaa jira Isbahaysi ay ku midoobeen tiro axsaab ah oo affar gaaraysa uuna horkacayo xisbiga midigi dhexe CHP,xisbigaan oo ah kan ugu wayn mucaaradka. isbahaysigan ayaa waxaa haysata caqabaddo kala duwnaasho,fikir iyo shaqo. Waxaa lagu eedeeyaa kaliya in ay u midoobeen  in ay kahor yimaadaan xisbiga AK PARTI.Isbahaysigaan wuxuu ukala qaybsan yahay, axsaab muxaafid ah ama İslaami, kuwa lagu tilmaamo Kemalists, iyo xisbiga Kurdida HDP oo lagu eedeeyo in uu gacan saar laleeyhay PKK oo dawladda turkiga iyo waddamo kale oo caalamka ahi u aqoon sadeen in uu yahay argagixiso.

Labo arrimood ayaa sabaab u noqonaysa sida la saadaalinayo in isbahaysiga madaxwayne Erdogan ay doorashadaan guul ka gaaraan; tan koobaad waa Kala duwanaanshaha, iyo tabardarrida axsaabta mucaaradka oo niyad jab iyo quus ku keentay dad badan oo aan la dhacsanayn siyaasadda xisbiga AK PARTI ee uu Erdogan hogaamiyo iyo in mucaaradka oo soo saari waayay hogaan kartileh oo kasban kara shacabka , tan labaadna waa hormarka muuqda ee baaxaddaleh ee uu horseeday AK PARTI  tan iyo markii ay xukunka la wareegeen sanaddii 2002. Labadaas arrimood oo is biirsaday waxay horseedayaan in is bahaysiga madaxwayne Erdogan ay doorashadaan ay guul kasoo hooyaan.

Loolanka ugu xooggan ayaa kadhici doona magaalooyinka waawayn sida Isatanbul,Ankara iyo Izmiir, iyada oo xisbiga talada hayya uu magaalooyinkan u sharraxay dad waddanka aad looga yaqaanay sida Bin Ali Yildirim oo loo sharraxay in uu u tartamo mayarka magaalada Istanbul. Yildirim ayaa  muddo dheer soo ahaa wasiir,  kadibnna raysal wasaare markii ugu damabaysyna ahaa gudoomiyaha baarlamaanka. Sidoo kale dad  wasiiro soo noqday ayaa loo sharraxay magaalooyin kale. Arintaan ayaa muujinaysa cabsida ay Isbahaysiga Shacabka iyo gaar ahaan xisbiga AK PARTI ka qabaan in  magaalooyinka waawayn ee dalka looga guulaysto. Guul darradaas oo hadday dhacdo muujinaysa hoos udhac shacbiyadda madaxwaynahay isla markaasna xoojinaysa axsaabta mucaaradka.

Guul uu gaaro isbahaysiga madaxwayne Recep Dayyip Erdogan waxay u fududayn doonta in uu fuliyo ballan qaadyo iyo qorshayaal dhidibada loogu aasayo nidaamka madaxwayne ee wadanku qaatay. Waxay u ogolaanaysaa in wax laga qabto dhibaatooyinka nololeed iyo sicirbararka. Sidoo kale  waxay yeelan doontaa saamayn dhaqaale oo wanaagsan iyada oo dhiirigalin doonta maalgashadayaasha  ajaanibta ah. Dhanka arimaha dibadda Erdogan waxaa u fududaan doonta latacaalidda xiriirka sii xumaanaya ee Turkiga iyo reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka, iyo dagaalka suuriya ee dabada dheeraaday.

W/Q: Abdiwali Sayid
Saxafi Madax Bannaan
İstanbul-Turkey
Email: abdiwalisayid@gmail.com