Dhoobley iyo tuulooyinka hoos tago oo ah is-gaarsiin la’aan iyo Kenya oo xarunta Hormuud duqeysay

Dhoobley (Caasimadda Online) – Waxaa xalay la gubey xaruntii Shirkadda Hormuud Telecom ee Tuulada Jaldeys oo ka tirsan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay duqeynta, waxaase burburay Dhismihii shirkadda & dhammaan Agabkii isgaarsiineed ee ay ku shaqeyneysay xaruntu oo ka koobnaa Dhismo, ​BTS, Links, Motors iyo agabkii kale ee site-ka yiilay. Waxaa sidoo kale waxyeelo xoogan soo gaartay Taawarrada labada ah ee halkaa kadhisnaa iyo Taawarrada shirkado kale oo dhanka Isgaarsiinta ah.

Waxaana hadda hawada ka maqan isgaarsiintii Dhoobley, Jaldeys, Diif iyo 7 Site oo ka tirsan magaalada Dhoobley & Tuulooyinka hoos yimaada, waxaana hawada ka maqan dhammaan shirkadihii Isgaarsiinta ee halkaas ka howlgeli jiray kadib markii ay saameyn ku yeelatay duqeynta Ciidamada Kenya.

Ciidanka Kenya waxay Sal dhigga ugu weyn Gobollada Jubbooyinka ku leeyihiin Tuulada Taabta oo ka tirsan isla Degmada Afmadow, una dhow Xarunta la gubey ee shirkadda Hormuud.

Arbacadii lasoo dhaaafay oo ku beegan March 20, ayaa ciidanka kenya oo isticmaalaya Helicopters Gunship waxay duqeeyeen Xarunta Shirkadda Hormuud ee Xiiso-Uguur oo ka tirsan Degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo, taasoo ka dhigan in muddoo usbuuc ah ay ciidanka kenya ay fuliyeen duqeyntii 2aad.

Ujeeddada ay ciidanka kenya ka leeyihiin Burburinta xarumaha isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in ay tahay in ay isgaarsiin la’aan dhigaan dhammaan magaalooyinka waaweyn ee xudduudda u dhow sida: Dhoobley, Beledxaawo & Ceelwaaq.

Ciidanka Kenya ayaa horay u burburiyey xarumo ay leedahay shirkadda hormuud oo kala ah: Cali Buley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley & Dhamase oo kawada tirsan Gobollada Jubbada Hoose & Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com