Baashe oo kulan la qaatay wasiiro musuq loo haysto oo ay isku deegaan yihiin

Hargeysa (Caasimada Online) ― Gudoomiyaha golaha Wakiilada ee Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa kulan deg-deg ah waxa uu la qaatay Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Eng. Ciise Axmed Yuusuf Xawar iyo Wasiirka Howlaha Guud Cabdirashiid X.Ducaale Qambi, oo ay isku deegaan kasoo jeedan.

Kulankan ay yeeshen Guddoomiyaha Baarlamanka iyo Wasiiradu ayaa waxa ku wehlinayey Xildhabaano ay isku deegaan yihiin, kulankan ayaa gebi-ahanba warbaahintu waxay ka aheyd dibed joog.

Wasiiradan uu kulanka la yeeshay Guddoomiyuhu ayaa waxa Wasaaradahooga ka socda baadhis ay ku wadaan Hanti-dhowrka guud ee Somaliland.

Wararka ay Caasimada Online ka helayso kulankaasi ayaa waxay sheegayaan in kulankaasi uu ahaa mid beeleysan oo ay iskugu yimadeen Siyaasiyiin kasoo wada jeeda hal deegaan, kuwaasi oo ka shirayay habkii ay xukuumada Biixi cadaadis ku saari lahayeen in la laalo eedaha musuq-maasuq ee lagu soo eedayay Wasiiradaas.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com