Wararkii ugu dambeeyey duqeymaha Kenya ee Gedo

Garbaharey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Kenya ay kordhisay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ka fuliso gobolkaasi oo hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana khasaaraha u badan la kulma shacabka.

Duqeymaha ayaa waxaa lagu soo warramayaa in diyaaradaha Kenya ay si gaar ah ugu garaaceen deegaanada Garsaal, Wargaduudo, Busaar iyo Khadiijo Xaaji ee gobolka.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ah ayaa sheegay in duqeynta ay ka dartay saacadihii ugu dambeeyey, isla-markaana ay waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah.

“Duqeynta saacadihii u dambeeyey ayey sii saa’iday, waxaana inta badan ay ka dhaceysaa deegaanada Khadiijo Xaaji, illaa dhinaca meesha la yiraahdo Buusaar,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in marba marka ka dambeysa uu sii kordhayo khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee duqeymahaasi ka dhalanaya.

“Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca waa sii kordhayaa waxa duqeynayana waa diyaaradaha dagaalka Kenya,” ayuu sii raaciyey.

Deegaanada la duqeeyey ayaa waxaa ku sugan dad reer guuraa ah, sidoo kale waxaa meelaha qaar lagu arkaa dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Gedo ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey kasoo yeerayey qaylo dhaan ay shacabka ka muujinayaan duqeymaha ay diyaaradaha Kenya ka bilaabeen deegaanada gobolkaasi.