Duqeymo culus oo xalay ka dhacay Tooratoorow iyo ciidamo gudaha u galay

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeyn culus ka geysteen gudaha deegaanka Tooratoorow ee gobolkaasi, taas oo lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Duqeynta, kadib ayaa waxaa xigay in ciidamo ay gudaha ugu daateen deegaanka, kadibna ay howlgal ka fuliyeen Tooratoorow oo ay xarumo ay ku leedahay kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta si gaar ah loola bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab, balse ma cadda khasaaraha lagu gaasiiyey weerarkaas.

Sidoo kale ciidamada hubeysan ee gudaha u galay Tooratoorow ayaa la sheegay inay soo kaxeysteen illaa 10 qof oo lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale dadka deegaanka oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay saameyn ku yeelatay duqeynta, isla-markaana ay lasoo daristay cabsi xoogan.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka ee lagu qaaday deegaanka Tooratoorow.

Deegaankan oo ah mid istiraatiiji ah ayaa waxaa ku yaallo xarumo ay lacago ku qaadaan Al-Shabaab iyo maxkamado ay ugu yeeraan dadweynaha, waxaana marar badan howlgal ku qaaday ciidamada Xoogga Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxibadooda caalamiga ah.