Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka BUULO-BURTE

Beledweyn (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad muddo socday oo maanta ka dhacay degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyey ciidamo kala taabacay guddoomiyaha Buulo-Burte iyo duqa degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in labada mas’uul ay isku qabeen arrimo la xariira lacago canshuur uruurin oo uu duqa Buulo-Burde ka bilaabay halkaasi.

Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay is-rasaaseynta dhexmartay labada dhinac, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan shaqaaqadaasi.

Buulo-Burte oo Hiiraan ka tirsan ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka jiray khilaafaad dhinaca maamulka ah oo hareeyey mas’uuliyiinta degmadaasi.