Daahir Maxamuud Geelle oo talo cajiib ah oo ku aadan doorashada u jeediyey DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Daahir Maxamuud Geelle oo haatan ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimo ku aadan doorashada 2020 illaa 2021 iyo sida ay ugu diyaar garoobeyso dowladda Soomaaliya.

Geelle ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka daabisay arrimaha doorashooyinka, amniga iyo wada shaqeynta kala dhexeysa dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Sidoo kale wuxuu kula taliyey madaxda dowladda dhexe inay qabtaan doorashooyin la mid ah kuwii horey uga dhacay dalka, ayna u qabtaan sida hannaankii hore oo kale.

Musharrax Daahir Maxamuud Geelle ayaa sidoo kale xusay inay muhiim tahay in doorashooyinka ay noqdaan kuwo la wada ogolyahan oo raalli ka yihiin daneeyeyaasha.

“Dowladdu doorashooyinkii hore ha qabato, iyo hannaankii hore ha u qabato, kama aysan soo reyn xaga amniga, kama aysan soo reyn maamul goboleedyada iyo isla socodkii, hala wada hadlo, siyaasiyiinta aan ka mid nahay hala tashato, doorashooyin aan isla ogolnahay aan qabsano, kii calaf u helo aan la shaqeyno, waxaa ku jirta midnimadeena iyo walaaltinimadeena”ayuu yiri Dahir Maxamuud Geelle.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli aysan cadeyn nooca doorasho ay dalka ka dhaceyso dhamaadka sanadkan 2020/ 2021-ka, waxaana jira cabasho iyo qeylo dhaan ka soo yeereyso hoggaanka xisbiyada iyo qaar ka mid ah madaxda maamullada dalka.