MURSAL oo is-hortaagay xuquuqda gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee golaha shacabka ayaa saacado hakad galay kadib markii guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu is-hortaagay mooshinka matalaadda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Xildhibaano gaaraya 130 ayaa shalay mooshin ay keeneen ku dalbaday in gobolka Banaadir Aqalka Sare laga siiyo 13 kursi, waxaana qorshuhu ahaa in maanta cod loo qaado mooshinkaas.

Hase yeeshee, waxaa soo baxday in arrintaas uu diidan yahay Mursal, islamarkaana uu isku dayey inuu ajendaha ka saaro, taasi oo xildhibaano badan ay ka horyimaadeen ayaga oo ballan-qaaday inaan kulanka maanta looga hadli karin arrimo kale.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta Mursal u diiday inuu mooshinkan miiska soo saaro, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in ku jiro xildhibaanada aragti ahaan qaba in gobolka Banaadir uusan yeelan wax matalaad ah. Aragtidan ayaa waxaa Mursal la wadaago xildhibaanada ku beesha ah qaarkood, iyo kuwa Daarood, mana cadda sababta.

Arrintan matalaadda gobolka Banaadir ayaa ka mid ahayd afar xeer oo ka harsanaa sharciga doorashooyinka oo lasoo dhameystiray, waxaana laba ka mid ah oo kala ahaa qoondada haweenka iyo doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi lagu ansixiyey mooshinno, hase yeeshee waxaa yaab noqotay in Mursal uu caqabad ku noqdo xuquuqda gobolka Banaadir.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal uu doonayey inuu arrintan guddi u saaro, si ay sharci gaar ah uga soo tala bixiyaan, balse xildhibaannada mooshinka keenay ayaa aad uga biyo diiday, kuna adkeystay in la mariyo halkii la marsiiyey xeerarkii hore.

Cadaadis dheer kadib Mursal ayaa ogolaaday in ka doodista mooshinka maanta la billaabo, Sabtidana loo codeeyo.