Booliska gobolka Banaadir oo soo qabtay askarigii xalay dilay Xamdi Cabdullaahi

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askarigii ka dambeeyey dilkii xalay loo geystay, Xamdi Cabdullaahi oo aheyd gabar dhalinyaro ah oo ku nooleyd magaalada Muqdisho.

Magaca askariga dilkaa geystay ee la soo qabtay ayaa waxaa saraakiisha ammaanka ay innoogu sheegeen, Dable Cabdi Cali Guuleed, kana tirsan ciidanka xoogga, kaasi lambarkiisu uu yahay No:1272 XDLS.

Sidoo kale saraakiisha aan la hadal-nay oo ka tirsan Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay inay haatan baaritaano dheeraad ah ku hayaan askarigaasi, islamarkaana ay soo taagi doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo waafaqsan sharciga.

Allaha u anaxariistee Marxuumad Xamdi ayaa xilliga la dilayey saarneyd Mooto Bajaaj mareysay agagaarka Warshadii hore ee Caanaha oo ku taalla degmada Hodan.

Qaar ka mid ah ehelladeeda ayaa sheegay in xilligaas ay Xamdi ka timid goob lagu qurxiyo dumarka oo ay ka shaqeyneysay, iyada oo ay ku tiirsanaayeen qoyskeeda.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi, iyadoona ay weli socdaan baaritaanadeeda.

Inta badan ciidamada dowladda ee ku sugan Muqdisho ayaa dilal ka dhan ah rayidka ka geysta gudaha caasimada.